DAAWO: ”Waa naga aarsanayaan!” – Saxaafadda Kenya oo CABSI ka muujinaysa kororka tirada Soomaalida & dood ka dhalatay arrintaasi!

0

(Nairobi) 07 Sebt 2019 – Soomaalida ku nool gobolka NFD oo ay Kenya u taqaanno Woqooyi Bari ayaa la sheegayaa inay tiro ahaan sanadihii dambe aad u korreeyso, waxaana doodi ka timid qaabka ay arrintaa ula macaamilayso saxaafadda Kenya oo sheeganaysa inay Soomaalidu ka mid tahay dalka Kenya, misna riixaysa.

Tusaale ahaan The Star ayaa afartii bishan Sebtembar qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Maxay tahay sababta ay noo cabsi gelinayso kororka tirada Soomaalidu?”

Warqaadka Standard Media oo isla Kenya kasoo baxa ayaa warbixin uu qoray bishii Maarso 2018, isna qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Kali talisnimo: Sinjiga Soomaaliyeed oo kusoo biiray afarta sare.”

Waxay noola dhaqmayaan sidii aan ula dhaqmaynay tan iyo xornimadii!

Wuxuu cabsida uu sheegayo The Star u cuskaday in Soomaalida oo cuqdad badan u qabta qabaa’ilka kale ee Kenyan-ka oo tacaddiyo badan kula kacay ay aarsan doonaan marka ay tiradoodu gaarto heer ay tillaabo qaadi karaan.

Dad badan oo aqoon yahan ah ayaa soo jeediyay in wargayskan la dacweeyo maadaama uu xoojinayo aragti ku dhisan ”annaga iyo ayaga” taasoo keeni karta qalaanqal bulsho iyo xitaa xasuuq Kenya ka dhaca.

”Soomaalidu waxay ka mid tahay qoowmiyaadka ugu badan Geeska Afrika, waxyar unbaa ka jooga Kenya, marka Soomaalidu mar kasta waa dad tira badan.” ayuu yiri aqoonyahan Kenyan ah oo doodda ka qayb gelayay.

Aqoonyahannada qaar ayaa soo jeediyay in Soomaalidu ay joogtey dhulkan ay haatan Kenya sheeganayso boqollaal sano xitaa kahor imaanshihii qabaa’ilka Baantuuga ah ee ka soo dalaabay galbeedka Afrika.

Hoos ka daawo dood arrintaa uu ka sameeyay hilinka Nation TV.

Hadalsame Media