”Wuxuu dood ka qabaa sida uu Sheekh Bukhaari Carabiga ku bartay, balse….!!”

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2019 – Wuxuu yiri: Yaab ayaan isku arkay. Waxaan rumaysan la’ahay in Bukhaari iyo rag kale 200 sano ka dib qoreen axaadiis maqal lagu soo tebiyey.

Yeelkeede, markaan la kulmo qof Soomaali ah oo reer aan ogahay ah, dhiiggaa igu kaca oo waxaa ii muuqda awoowihiisii 550 sano ka hor noolaa oo la ii sheegay inuu fool xumaa.

Foolxumada waxaa u dheeraa, sida awoowayaashay ii sheegeen, inaanu salaadda iyo nadaafadda aqoon oo uu awoowahay kula colloobay markuu ku yiri war sida isu dhaan oo is nadiifi.

Wallaahi kuwa hadda joogaana sidii ayey u wada foolxun yihiin oo markii dantooda loo sheego cuqdad baas u qaadaan. Ilaahoow awoowgay u naxariiso, run badanaayaa.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media