“Borotokoolladii Waxgaradka Sahyuuniga” – Buuggii halista badnaa!!

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2019 – Maalin dhowayd waa innagii ka hadalnay magaca Sahyuuniyad iyo taariikhdiisa. Wax aynnu sheegnay in magacu yahay buur yar oo Quddus ku taal oo la yidhaahdo Zion, aydoolojiyad ahaanna dib u gu noqonayo sannadkii 1896 iyo dhaqdhaqaaqii Yuhuudda Yurub ee uu curiyay Theodore Herzl, kaas oo la gu doonayay waddan ay yeelato Yuhuuddu. Haddaba ilaa maalintii magacaasi soo baxay waxaa abuurmay shaki iyo xan ku saabsan dadka Yuhuudda taas oo markii dambe noloshooda khasaare badan u geysatay. Shakigaa iyo xantaasi wax ay si aad u abaabulan isu qaabeeyeen sannadkii 1903, kolkaas oo dalka Ruushka uu ka soo baxay buug raad u weyn yeeshay. Buugga waxaa ciwaan loo ga dhigay “Borotokoolladii Waxgaradka Sahyuuniyadda” – (Af Ingiriisi: The Protocols of the Elders of Zion).

Buugga oo Af Ruush ku soo baxay kana kooban dhawr boqol oo bog iyo 24 qodob wax uu ka hadlayaa in waxgaradka Yuhuuddu gaadheen heshiis iyo go’aan ah in ay dunida gebigeedaba iyagu u xukumaan. Fikraddu wax ay u dhigan tahay “waa in aynnu dunida ka qabsannaa awoodaha dhaqaalaha iyo warbaahinta, is la markaa aynnu burburinnaa oo beddelnaa qaab dhismeedka iyo hannaanka bulshooyinka”. Theodore Hertzl oo aynnu xusnay in uu ahaa aabbihii abaabulka Sahyuuniyadda ayaa loo aaneeyay in uu isagu qoray heshiiskaa Yuhuudda.

Buuggani markii hore wax uu ku faafay dalka Ruushka oo ay Yuhuud badani ku dhaqnayd, dabadeed afaf kale ayaa la gu turjumay oo wuu sii faafay. Waxaa Yurub oo dhan la is wada gaadhsiiyay dadkaasi in ay wadaan dhagar iyo damac sheyddaan, ayna tahay in la is ka qabto. Waxaa loo aaneeyay in ay iyagu ka dambeeyaan dhammaan aydoolojiyadihii beryahaa dunida ka soo baxay ee hirdamayay. Taasi wax ay keentay in dadkaa loo qaado nacayb aad u badan, iyada oo awalba la necbaa.

Iyada oo halkaa arrini marayso ayuu sannadkii 1920 nin suxufi ah oo wargeyska Maraykanka ee The Time u jooga Istanbuul kashifay xaqiiqo kale oo buugga ku saabsan. Wax uu sheegay buuggu dhab ahaantii in aanu dhalad ahayn ee yahay hadhaadi ka soo baxay faraxumayn weyn oo la gu sameeyay buug hore oo nin Faransiis ahi qoray sannadkii 1864, kaas oo xifaalaynayay hoggaamiyahoodii Napoleon III. In kasta oo arrinka kolkii la sii baadhay warka suxufigu run u ekaaday haddana buugga dhiilladiisii ma ay damin. Waxaa dhacday in Yuhuuddii badnayd ee Bariga Yurub dibindaabyo badan la kulanto, in badan oo ka mid ahina qaarado kale u barakacdo. Wax uu kale oo buuggaasi gundhig u ahaa nacaybkii iyo dabargoyntii Naziga Jarmalku dadkaa ku la kacay Dagaalkii Labaad. Carabta ayaa iyaduna buuggan aad u faafisay kolkii Israa’iil dhexdooda ka abuurantay.

Laakiin baadhitaannadii buugga la gu sameeyay oo dhami wax ay sheegeen xaqiiqadu in ay tahay sidii uu ogaaday suxufigii Maraykanka ahaa, buugguna yahay beenabuur la ga dheegtay kii Faransiiska. Qacdii horeba shakiga buugga ka soo baxay wax uu ahaa “Buuggu haddii uu sir ahaa Yuhuuddu maxay u gu qoran waayeen afkooda ee Af Ruush ka la dooneen?” In kasta oo la xaqiijiyay buugga in uu qoray sarkaal sare oo ka tirsanaa boqortooyadii Ruushka, si uu dareenka dadkiisa u mideeyo Yuhuuddana loo gu kaco, haddana weli ilaa maanta dacaayad baa loo adeegsadaa.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media