Ciidamada Booliiska oo joojiyay arrin culays ku haysey shacabka Muqdisho (DF oo lagu eedeeyay buruqraadiyo dhib badan)

0

(Muqdisho) 07 Sebt 2019 – Booliiska dhexe ee DF Somalia ayaa ku dhawaqay inay joojiyeen arrin dhibaato badan ku haysey shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Jen. Sakiya ayaa barteeda kusoo qortay: ”Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID.”

Waxay daba dhigtay: ”Muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno.”

Hay’aadka DF Somalia ayaa lagu eedeeyaa inay shacabka geliyaan hannaan buruqraadi ah oo dhib badan oo ujeedkiisu yahay in dadka laga qaado lacago fara badan oo dhabar ka taabasho, laaluush iwm ah kuwaas oo aan u qalmin adeegga la siinayo, iyadoo qofka lagu wareeriyo kun waraaqood oo uu meelo fara badan kasoo qaadanayo, kuwaasoo aanay qaarkood shaqaba ku lahayn waxa uu qofkaasi doonayo.

Hadalsame Media