Sucuudiga & Imaaraadka oo qarka u saaran inay ku kala GO’AAN dagaalka Yaman (Maxay isku qabteen?)

0

(Riyaad) 07 Sebt 2019 – Dagaalkii ay Yaman ku burburinayeen ayaa isku diray Sucuudiga iyo Imaaraadka. Todobaadkii tegey ciidamada cirka Imaaraadka ayaa duqeeyay ciidamada dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Abed Rabbo Mansour Hadi — oo ah isla ninkii la is lahaa isaga ayuu isbahaysigii dalkaa weeraray awoodda kusoo celinayaa si loo shuushiyo saamaynta Iiraan.

Haatan oo afar sanadood laga joogo markii la bilaabay dagaalka Yaman 2015 si loo wiiqo cududda kooxda Xuutiyiinta, weli isla iyagii ayaa ka taliya inta badan woqooyiga Yaman, dagaalkii ka dhanka ahaana waa sii qaboobayaa.

LABA AJENDE OO IS DIIDDAN

Imaaraadka oo bishii tagtay mar qura ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala baxayo Yaman ayaa doonaya inuu taageero malliishiyaad uu koonfurta ka dhisay si ay uga go’aan woqooyiga, waxay kaloo ka xarig furteen Haadi oo ay ka urinayaan Ikhawaanul Muslimiin, maadaama ay la dirirsan yihiin wax kasta oo Diinta Islaamka sal ku leh.

Dhanka kale, Sucuudiga oo Haadi taageersani wuxuu dhanka kale ka baqanayaa isla markaana diiddan yahay saamayn uu Imaaraadku ku yeesho koonfurta iyo in ay koonfurtu go’do intaba, maadaama ay taasi sharciyayno in woqooyiga Yaman ay noqoto Xuutiland dhab ah.

Labadaa ajende ayaa haatan iska hor keenaya labada dal ee Sucuudiga iyo Imaaraadka oo beri la lahaa waa saaxiibbo is dhaarsaday, balse hadda u muuqda kuwo uu iska hor keenay cuqubada ay ka galeen Yaman.

Sucuudiga ayaa hub iyo saanad ula orday ciidamada Haadi si ay uga hor tagaan inay Imaaraadka oo 30 askari weerarkaa uga diley ay mar kale cirka ka duqeeyaan, sida ay sheegeen saraakiil maxalli ihi, waxaa dib loo celiyay maliishiyaadkii uu soo abaabuley Imaaraadku.

KALA QAYBSANAAN – Dhowr sarkaal oo Yamani ah ayaa AP u sheegay in waloow uu Sucuudigu qayb ahaan ka caroodey tillaabooyinka Imaaraadku uu misna ku kala qaybsan yahay go’aanka laga qaadanayo Imaaraadka oo ay qaar soo jeediyeen inaysan fiicnayn inay ku kala go’aan Yaman, maadaama ay yihiin labada dal ee qura ee waqti xaadirkan wada socda guud ahaan Khaliijka oo ay cadow badan ku yeesheen.

Qoraa Sucuudiyaan ah oo la yiraahdo Suleiman al Oqeliy ayaa weerarka Imaaraadka ku tilmaamay “dhaawac qoto dheer,” isagoo ku yiri Yemen Today TV: “Marna si fudud kuma illaawi doonno.”

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media