Sidee ayay SOMALIA ku gaari kartaa KOOBKA ADDUUNKA 2022? (Maqaal xog xambaarsan)

0

(Muqdisho) 06 Sebt 2019 – Wadamada qaaradda Africa waxey hardan u galaan afartii sanaba mar ka qeybgalka koobka Adduunka oo ah dhacdo ay qabtaan xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA, waxeyna xaq u leeyahiin kaliya 5 wadan.

Africa guud ahaan waa 54 wadan, sidaas darted 49 wadan ayaa daawan doona tartanka xiisaha badan ee afartii sanaba mar la qabto halka 5 wadan ay qaaradda matali doonto.

Waxaa jira wax la yiraahdo (FIFA Ranking) ama qiimeyn ay hay’adda FIFA ku sameyso dhamaan wadamada dunida, sidaas darteed Africa waxaa loo qeybiyay laba qeybood si loo agaasimo hanaanka isreeb-reebka koobka Adduunka.

28-ka wadan ee ugu darajo hooseeya Africa ayaa lagu bilaabaa mar walba wareega koowaad ee isreeb-reebka, Somalia ayaana ka mid ah wadamada ku jira darajooyinka ugu hoose dhanka qiimeynta.

Zimbabwe waa dalka 27-aad ee qiimeynta halka Somalia ay tahay midda 53-aad, wareegaan waxaa la ciyaarayaa min laba lug (Minan iyo Marti) waxaana soo bixi doona 14 wadan.
26-kii darajada sare oo ay ka mid yahiin wadamada Senegal, Masar, Nigeria, Ivory Coast, South Africa, Algeria ayaa lagu dari doonaa 14-ka wadan ee wareegaan ka gudba taasoo wadar ahaan ka dhigi doonta 40-wadan.

Waxaa la gali doonaa wajiga labaad ee isreeb-reebka, 10-group ayaa loo qeybin doonaa 40-ka wadan ee soo baxay (Hadii Somalia ay kasoo gudubto Zimbabwe) waxey ku group noqon doontaa mid ka mid ah wadamada waaweyn.

10-kaas group ee ka kooban midkiiba afar kooxood, waxey ciyaari doonaan kulamo minan iyo marti ah, kaliya wadanka kaalinta koowaad ayaa kasoo bixi doona group walba, taasoo ka dhigan in 10 wadan kaliya ay soo gaari doonto (marxaladda saddexaad ee isreeb-reebka).

Tobankaas wadan ee soo baxay, ayaa la isku jabin doonaa oo la isugu dhufan doonaa min laba, waxeyna ciyaari doonaan kulamo minan iyo marti ah, waxaana ugu dambeyntii la heli doonaa 5-ta wadan ee Africa uga qeybgaleysa koobka Adduunka.

Somalia waligeed kama gudbin marxaladda koowaad sida taariikhda dambe ku xusan, waxaana la sugi doonaa hadii ay Zimbabwe ka gudbaan oo ay heerka group-yada galaan, taasna waa tallaabo hormar leh inkastoo ka qeybgalka koobka Adduunka ay tahay rajo lama filaan ah maadaama ay jiraan in ka badan 10 wadan oo xoog leh isla markaana doonaya ka qeybgalka koobka Adduunka.
Guushii ugu horreysay inta la xasuusto ayey Somalia ka gaartay isreeb-reebka koobka Adduunka, waxaana rajeynayaa iney u gudubto marxaladda labaad, tan saddexaadba yeelkeede.

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media