DAAWO: Hal arrin oo ku adkaatay xulka Somalia & ciyaartii lugta 2-aad oo is beddel lagu sameeyay! (Garoon & goob cusub)

0

(Harare) 06 Sebt 2019 – Warar naga soo gaaraya dalka Zimbabwe ayaa sheegaya in cayaartii Axadda Soomaaliya iyo Zimbabwe ku dhex mari-lahayd garoonka Babaourfields ee magaalada Bulawayo waxaa loo wareejiyay Garoonka Ciyaaraha Qaran ee ku yaalla caasimadda Harare.

Kulanka waxaa dib loo dhigay illaa Talaadada, markii xulka qaranka Soomaaliya ay ku adkaatay inay duullimaad waqtiyeeysan ku tagaan halkaasi.

Garoonka cayaarta lagu qaban lahaa waxaa uu isla maalintaas marti-gelinaya tartan caalami ah, taas oo khasabtay in kulanka loo wareejiyo caasimadda.

Lama hubo in goob beddelka dhacay uu saamayn ku yeelan doono ciyaarta xulka qaranka Somalia oo kulankii 1-aad badiyay iyo in kale.

Waxaa Diyaariyay: Tahliil Colaad Xasan

Hadalsame Media