RASMI: Dacwaddii Somalia-Kenya oo dib u dhigis lagu sameeyay & Somalia oo guul kale gaartey

0

(Hague) 05 Sebt 2019 – Maxkamadda ICJ ayaa dib u dhigtay dhegeysiga dacwadda badda ee u dhaxeeya Somalia-Kenya, kaasoo horay loo qorsheeyay in la dhegeysto 9-ka illaa 13-ka bishan Sebtembar.

Maxkamadda ayaa haatan aqbashay codsi ka yimid Kenya, iyadoo dhegeysiga dib u dhigtay muddo 2 bilood oo ah oo ku ekaan doonta bisha Nofeembar ee isla sanadkan 2019, sida uu xaqiijiyay Danjiraha Somalia ee Midowga Yurub Md Cali Fiqi.

Kenya ayaa beryahanba waddey olole ay ku doonaysay in dhegeysiga dacwaddan dib loo dhigo waloow ay iyadu doonaysay 12 bilood oo aanay haatan helin, iyadoo ku doodaysa in ay cayrisey qarreennadii u doodayay.

DF Somalia ayaa dhankeeda u xusub duubaysay inaan dacwadda la baajin oo aan dib loo dhigan, waloow dib u dhigistan aadka u gaaban laftiisa ay Somalia u arki karto guul rubac dhiman, maadaama ay Somalia sidoo kale markii 2-aad muddo gaaban ay Kenya uga guulaysatey urur caalami ah, kaddib markii uu Midowga Afrika diidey codsi uga yimid Kenya oo ahaa in Somalia lagu cadaadiyo inay kiiskan kala soo laabato Maxkamadda ICJ, waana guushii 2-aad oo ay Somalia fagaare caalami ah kaga gaarto Kenya kaddib midkii Golaha Amaanka QM.

Waxaa la arki doonaa waxa ay Kenya soo kordhiso muddo 2 bilood ah, tiiyoo ay dad badani qabaan in aanay Kenya marna ka dhaadhacsanayn inay kiiskan ku guulaysan karto.

Hadalsame Media