Prof. Axmed Cali Khayrre muxuu ka yiri dib u dhigista dacwadda Badda?!

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2019 – Waxaa la sheegay in Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ) ay dhagaysiga dacwaddii badda muddo laba bilood ah dib u dhigtay. Macluumaadkaas weli bogga maxkamadda lama soo gelin, laakiin waxaa lala wadaagay labada dal sida safiirka Soomaaliya ee MIdowga Yurub laga wariyey. Waxaan si kooban u kor istaagayaa dib u dhiggaas.

1. Xeerka Maxkamaddu waxa uu ogol yahay in dhagaysiga dacwada dib loo dhigi karo oo go’aankaas waxa uu siinayaa maxkamadda. Maxkamadda ayaa qabata waqtiga dhagaysiga dacwadaha, iyada ayaana, haddii duruufo yimaadaan, dib u dhigi karta xilliga dhagaysiga dacwadda sida ku cad qodobka 54 aad farqada 1aad ee xeerka maxkamadda (rules of court, 1978).

2. Kenya ayaa codsatay in dacwada muddo sanad ah dib loo dhigo sida la warinayo. Dowladda Soomaaliya arrinkaas way ka biyo diidday. In laba bilood maxkamaddu dib u dhigto wax dhib ah ma laha oo waxaa muuqata in maxkamaddu iyada oo tixgelinaysa labada mowqif ay go’aanka gaartay, ayna tixgelisay mowqifka Soomaaliya.

3. Waxaa muuqata in Kenya ay geed dheer iyo mid gaaban u fuulayso in dacwada maxkamadda laga soo celiyo. Tusaale ahaan waxa ay codsi gaysay Golaga Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo ay ka codsatay in kiiska dib loo soo celiyo oo ay soo dhex galaan. Go’aan uu goluhu qaatay maanta waxaa Kenya lagu war geliyey in aan Midowga Afrika soo dhexgeli karin oo kiiska celintiisa uu codsan karo dalkii dacwada geeyey ama labada dal oo dacwadu ka dhaxayso oo wada jira.

3. Mowqifka dowladihii kala dambeeyey ee Soomaaliya waxaa uu ku salaysan yahay danta dalka, waana tallaabo wanaagsan in kiiska badda maxkamadda loo daayo oo aan laga soo celin.

4. Laba bilood ka bacdi, dhagaysiga kiiska ayaa billaaban doona, Soomaaliyana waxa ay leedahay fursad weyn in ay ku guulaysato. Kenya waxa ay wadi doontaa dadaalladeeda ah in ay kiiska ka soo celiso maxkamadda oo ay wada hadal la furto Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in aan mowqifkeenna ku adkaysanno oo kiiska maxkamadda loo daayo.

Ileeheey waddada fiican hanna waafajiyo.

Waxaa Diyaariyay: Axmed Khayrre, PhD

Hadalsame Media