Waa saxan yihiin warbixinnada Somalia ku tilmaamaya “guri la’aan” (Ogoow sababta)

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2019 – Waxaan dad badan oo dhibsaday warbixinno wata cinwaanka ah inay badisay Somalia oo “guri la’aan ah” iyagoo u maleeyay in annaga nalagu liidaayo.

Yeelkeede, erayga “HOMELESS” waxaa laga wadaa Soomaaliya gurigeeda kuma ciyaarto.

Kulamada nuucaan ahna waxaa loogu tala-galay minan iyo marti (HOME IYO AWAY) oo ah in labada dal lagu kala ciyaaro labada lugood.

Annaga dalka Jabuuti ayaan minan ahaan ugu ciyaarnaa. Marka haddii annagoo “HOMELESS” ah aan ka badinnay Zimbabwe waa amaan ee aflagaaddo maaha, waayo waxay taasi tilmaamaysaa duruufaha nagu hareereeysan.

Waxaan leennahay waa mahadsan yihiin qolada ciwaankaan “guri la”aanta” u xulatay warbixinta, waayo waxay taasi nagu dhiirri gelinaysaa in aannu dalkeenna nabdayno si aan u noqonno umad gurigeeda loogu soo martiyi karo oo aan dibad wareeg ahayn.

Waxaa Qoray: Ibraahim Pippo & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media