Hay’ad caalami ah oo aad u cambaaraysay fal ay ku keceen maamullada Somaliland & Puntland

0

(Paris) 06 Sebt 2019 – Maxkamad ku taalla Hargeisa oo ah caasimadda gobolka woqooyi ee Somalia ee sheegta inuu Somalia ka go’ay ayaa 4-tii bishan Sebtembar 4 go’aamisey in hawada laga saaro webka Hadhwanaag, halka Puntland ay maalin ka hor 3-dii Sebtembar sidaas oo kale u baloogtay Puntland Times, waxaana arrintaa aad u cambaareeyay Xiriirka Caalamiga ah ee Weriyeyaasha ee IFJ oo arrintaa ku tilmaamay weerar ka dhan ah xorriyadda hadalka.

Somaliland ayaa mamnuucidda Hadhwanaag u cuskatay inuu war dhaliil ah ka qoray Guddoomiya Bankiga Dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim ‘Baghdadi’, kaasoo deeto maxkamadda ku dacweeyay warqaadkaasi oo uu codsaday in hawada laga qariyo, maadaama ”sumcadiisii meel looga dhacay” sida ay la tahay.

Puntland ayaa sidoo kale iyaduna Puntland ka xirtey Puntland Times, oo gobolkaa la hadla iyadoo aan weliba keenin wax cudur daar ah marka ay timaado sababta ay tillaabadan u qaadday.

Maamulka Puntlandtimes.com, ayaa sheegay inaysan aqoonin sababta loo xanniby iyadoo aanay jirin cid si rasmi ah ula soo xiriirtey oo u sheegtay waxa ay khaldeen, sida uu sheegay Faarax Cabdulqaadir Geylan.

IFJ ayaa maamulladaasi ku boorriyay “inay ixtiraamaan xorriyadda hadalka iyo xogta isla markaana la joojiyo harawsiga warbaahinta dhaliilaysa maamulladaasi, taasoo ah wax caadi ah oo ay xaq u leeyihiin, isla markaana la fasaxaa webabka Hadhwanaag News iyo Puntlandtimes.com”.

Hadalsame Media