Saxaafaddu Axmed Madoobe ma ugu yeeri kartaa Madaxwaynaha Jubbaland?

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2019 – Warbaahinta Soomaalidu yeysan dhiiragalin fowdo iyo in qof walba is-doorto. Saxaafadda Soomaaliyeed ha noqdeen kuwa wax barta, waana inaysan Axmed Madoobe ugu yeerin Madaxweynaha Jubbaland.

Sababtu waxay tahay in doorashooyinka Kismaayo yihiin kuwa dhamaantood aan lahayn sharciyad la isku raacsanyahay, Tiiyoo dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamku ka soo horjeedaan qaabka boobka iyo ku shubashada ah ee doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo.

Markaan oo kale waa in Eray bixinta ay iska saxaan saxaafadda Soomaaliyeed.

Waxaa la adeegsadaa markaan oo kale kalmadaha sida “Controversial leader” oo macnaheedu yahay Hoggaamiyaha lagu muran-sanyahay. Iyo sidoo kale khilaafka Kismaayo ayaa ka dhashay markii halkaas ay ka dhaceen doorashooyin lagu muran-sanyahay (controversial elections”

Sidoo kale in Axmed Madoobe warbaahinta ugu yeerto Madaxwayneha Jubbaland waxay ka fogtahay dhexdhexaadnimadii warbaahin looga baahnaa waayo waxaa jira dhowr Madaxwayne oo Kismaayo looga dhawaaqey (parallel presidents)

Kuwaasna ma waxaan Leenahay Madaxwayneyaasha Jubbaland haddii Axmed Madoobe aan siino Sharciyad (legitimacy)?

Waxaa Qoray: Maxamed Firxad

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media