”Marka ay joogto difaaca danaha Somalia looma baahna mucaarad & muxaafid”

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2019 – Kenya waxay isku mashquulisay inay dib u dhigto dacwada u dhaxeeysa labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ee hada taala ICJ, si ay u hakiso dhageeysiga dacwada ee furmaysa maalinta isniinta.

Isku daygeedii ugu horeeysay waxay ahayd inay Soomaaliya saarto cadaadis siyaasadeed si arinta wada hadal loogu dhameeyo, waxay kaloo is tustay In dowladda hada jirtaa lagu furo mucaarad iyo deganaasho la’aan siyaasadeed, midaasna way socon weeyday, waxay sameeysay inay dowladaha deriska ay cadaadis Soomaaliya ku saaraan inay ka noqoto dacwadda, midaasna way socon weeysay.

Waxay go’aansatay In Ururka Midowga Africa ay isticmaasho inay arinta joojiyaan si xal loogu helo, Soomaaliya waxay ururkaasi hor dhigtay in dacwada ay tiilay maxkamadda cadaaladda aduunka shan sano, hadana ay adagtahay In dib loo soo celiyo. Cod bixintii gudiga dhex dhexaadinta qilaafyada Africa markii uu arinkaas cod geliyay waxaa ku guuleestay Soomaaliya.

Hada waxay la timid siyaasad la yiraahdo “dib u dhig xeeladeeysan” (Delaying tactic) tasoo ah inay maxkamadda ka codsato In sanad dib loo dhigo, waxayna taasi micno ugu yeeshay inay eriday qareenadoodi ayna u baahan tahay waqti ayku hesho inay hesho qareeno kale oo difaaca. Waxay kaloo ku dooday In Madaxwaynaha Maxkamadda Mudane Abdiqani laga wareejiyo inuu goob joog ka noqdo dacwada ayadoo ku doodeeysa inuu asalkiisa yahay Soomaali.

Sharuucda maxkamadda caalamiga wuxuu qorayaa In dib u dhigista dacwada ay raali kawada yihiin labada dowladood ee dacwada ka dhaxeeyso, Soomaaliya waxay fahantay dib u dhiga dacwada inay tahay cayaar siyaasadeed oo khatar ku ah Soomaaliya.

Waxay kaloo Soomaaliya yeelatay qareemo ka xoog badan kuwii hore oo intooba badan markaas eegto shaqada ay soo qabteen Kenya ku abuurtay cabsi kale oo keentay inay ceeyriso kuwii hore waayo raga Soomaaliya hada u doodaayo kama hor tagi karto.

Waxaan halkaan ugu hambalyeeynayaa Dowladda Soomaaliya iyo hogaankeeda Mudane Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyrre oo runtii ah laba qof oo mutacalim ah fahmi kara ciyaarta siyaasadda aduunka.

Waxaan kaloo u hambalyeeynayaa Team-ka Soomaaliya uu hogaaminaayo Dr. Ali Faqi Safiirkeena Midowga Yurub iyo Garyaqaanadaan culus ayla yimaadeen.

Marka ay timaado difaaca jamhuuriyadda waxaa nagu qasab ah inaan meel iska dhigno kala fikir duwanaashaheena siyaasadeed. Taas awgeed hadaan nahay shacabwaynaha Soomaaliyeed ee jecel difaaca dalkooda, waxaan idin rajeeynaynaa guul inaad ka gaartaan dacwadaan oo ah mid kagu difaacaayo Soomaaliya.

Waad mahadsanidiin Guuleeysta inshalaah.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media