Maxay Somalia ka baran kartaa dalka Bangladesh? (Hal qodob oo muhim ah)

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2019 – Bangladesh waxaa ku nool dad gaaraya 164 milyan, halka masaafada dhulkeedu ay gaarayso 147,570 km².

Soomaaliya waxaa ku nool qiyaastii 15 Milyan oo qof, baaxadda dhulkeedu waa 637,655km², taasoo la micno ah in Soomaaliya ay 4 jeer ka weyn tahay waddanka Bagladesh.

Haddii la is barbar dhigo tirada labada dad, Soomaaliya waxay 10 jeer ka dad yar tahay Bangladesh, hase yeeshee Bangladesh oo ciriiriga intaa la eg uu hayo waxay ku nooshahay nabad, iyadoo 2016 ka mid noqotay dalalka dhaqaalahoodu soo korayo.

Xaggay xisaabtu iska qaban la’dahay? Waxaan rajaynayaa inaan cashir ka baran doonno Bangladesh.

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Y Khasaaro

Hadalsame Media