DHEGEYSO: Somalia oo markii 2-aad ka qayb gashay tartan aan dal Afrikaan ihi ka qayb gelin + Sawirro

0

(Hällefors) 05 Sebt 2019 – Tartamada ciyaareed ee ka dhaca gudaha Sweden iyo dalal kaleba waxaa waayadan dambe ka soo muuqanayay ciyaar yahanno Soomaali ah oo nool dalka Sweden.

Waxaa la wada xusuustaa ciyaarta Xeego Barafka ama Bandy-ga oo ay Somalia kaga qayb gashay Koobka Addunka.

Ciyaartooydaa waxaa ka mid ah Sahal Cismaan Axmed oo ku nool degmada Hällefors,  wuxuu haatan muddo 11 bilood ah ku guda jiraa ciyaar aannu u tarjunney magaceeda ”Faas Tuur”, isagoo noqday qofkii Soomaali ah ee ugu horreeyay ee abid ka qayb gala tartanka koobka adduunka, isla markaana ka dhibco batay 2 dal oo uu midkood Australia ahaa, taasooo uu ku tilmaamay sababta ugu wayn ee ku dhiirri gelinaysa inuu ciyaartan kusii dadaalo, isagoo xagaaga ka qayb qaadan doona Koobka xulalka Yurub iyo midka Adduunka oo lagu kala qaban doono Switzerland iyo Canada.

Sahal Cismaan Axmed oo ay wareeysi ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda Sweden ayaa sheegay in sababta uu Koobka Qarammada Yurub ee Faas Tuurka uga qayb geli karo isagoo Soomaaliya metelaya ay tahay in tartanku yahay tartamada loo yaqaanno nooca furan ’’Open Championship’’ oo ay ka soo qayb geli karaan waddamo Yurub ka baxsan.

Ciyaartani ma aha mid ka tirsan isboortiga laga xiiseeyo amaba laga yaqaanno inta badan qaaradda Afrika guud ahaan, Soomaaliyana haba sheegin, haddaba Sahal ayaan bilowgiiba waydiiyay halka ay ciyaartani isaga kasoo gashay?

Tababaraha Sahal oo lagu magacaabo Erik Larsson ayaa ka hadlaya inta uu la eg yahay horumarka uu sameeyay Sahal Cismaan mudaadii yarayd ee uu ku guda jirey ciyaartan Faas Tuurka, isagoo talo muhim ahna siinaya, wuxuu yiri.

– Marka laga qiimeeyo goorta uu bilaabay, wuxuu aqoontiisa karti ahaaneed kordhiyay 1000%. Waa wax aad u wanaagsan sida dhaqsaha leh ee uu u socdo, khaladka kaliya ee uu leeyahay se waa inuu yara u deg degayo inuu wax kasta mar qura sameeyo, balse uu u baahan yahay inuu wax u sameeyo si deggan oo baaraandeg leh.’’ Ayuu yiri Larsson.

Xaqiiqooyinka Ciyaartan – Ciyaartan Faas Tuurku waxay ka mid tahay ciyaaraha ku dhigan toogta ama shiishka waxaana la shiishayaa ilaa 5 midab oo u samaysan qaab goobaabin ah, waxay kala leeyihiin midabbada madowga, caddayska iyo casaanka, waxaaana shanta wareeg ugu dhibco badan marka aad shiishka la hesho barta madow ee bartanka ku beegan oo ah midda ugu yar waana 5 dhibcood, halka barta wareegga goobaabinta ah ee ugu ballaaran ee ugu sarreeysaayi ugu dhibco yar tahay waana hal dhibic.

Ciyaartan Faas Tuurka waxaa loo ciyaaraa 3 qaybood oo kala ah 60 faas tuur oo ah midda ugu sarreeysa heer ahaan ee uu ka bixi karo qof leh adkaysi jireed oo wanaagsan, taasoo loo yaqaanno Champion isla markaana ahayd middii uu Sahal diyaarinayay goortii aan waraysanayay, halka labada kale ay yihiin 36 faas tuur iyo 18 faas tuur. Marka ay timaaddo xeerka kala badinta waxaad kaliya u baahan tahay inaad ka dhibco sarreeyso qofka aad la tartamayso.

 

Hadalsame Media