QOYS VS QARAN: Siyaasi la dhashay RW Britain oo qaaday tillaabo ay Soomaali badani ”sinji dhaanimo” ku tilmaami lahayd!

0

(London) 05 Sebt 2019 – Walaalka la dhashay Boris Johnson ayaa iskaga baxay Dowladda Britain iyo xitaa Baarlamankaba, isagoo arrintaa ku cadaadinaya hoggaanka xukuumadda oo aan cid kale ahayn, balse ah walaalkii la dhashay.

Jo Johnson, oo ku magacownaa Wasiirka Tacliinta Sare ee Britain ayaa sheegay in aysan suurtagal u ahayn inuu is waafajiyo “danta qoyskooda iyo danta qaranka Britain, waxaana taagan xiisan aan maaro iyo xal loo haynin, marka waa xilligii ay dad kale i bedeli lahaayeen.”

Wiilkan oo ah walaalka ka yar Boris Johnson ayaa wajahayay cambaarayn ku saabsan inuu walaalkii u adeegayo maadaama uu sanadkii hore isu casiley, si uu ugu ololeeyo in Britain laga qabto afti 2-aad oo ku saabsan Brexit.

Tillaabadan ayaa RW Johnson xaaladda kusii cakiraysa, kaasoo ay iminka ku adag tahay inuu dadka u sharroxo sida uu u doonayo inuu u maareeyo Brexit oo ay xitaa ku khilaafsan yihiin xubnaha qoyskiisu, iyadoo ay Xisbiga Muxaafidka ay 21 xubnood arrintan darteed uga bexeen.

Soomaali badan ayay tillaabadani dabcan la tahay ”doqonnimo iyo dadnimo xumo” iyadoo uu Ustaad Cabdulqaadir Diiriye uu boggiisa Facebook kusoo qoray war kajan ah oo uu Soomaalida ku hoga tusaalaynayo oo u qoran sidatan:


Hadalsame Media