Kenya oo qaadaysa tillaabadii ugu dambaysey ee ay ku XAGAL-DAACINAYSO dacwadda badda

0

(Nairobi) 05 Sebt 2019 – Kenya ayaa la sheegayaa inay si rasmi ah uga codsatay Maxkamadda ICJ in dib loogu dhigo dacwadda ay ku sheeganayso dhul-badeedka Somalia.

Kenya oo sidoo kale dooddan horgaysey Golayaasha Amaanka ee QM iyo Midowga Afrika, balse ku guuldarraysatay ayaa haatan la sheegayaa inay qaadayso tillaabadii ugu dambaysay.

Kenya ayaa ku doodaysa in aysan haysanin qarreenno u dooda maadaama ay kala ”dirtay” qarreennadii horay ugu doodayay, waloow cillada ay taasi leedahay ay tahay inay Kenya dooddaa la timid todobaadkii ugu dambeeyay ee dacwadda oo lagu wado in la iskugu yimaado Isniinta soo aaddan, taasoo loo fahmey xeelad waqti dheeraysi ah.

Danjiraha Somalia ee Midowga Yurub Cali Fiqi ayaa isagu dhankiisa sheegay in DF Somalia ay ICJ u gudbisey warqad ku aaddan in aysan diyaar u ahayn in xilligan dib loo dhigo dacwadda, iyadoo ay Somalia horay dhowr mar horay u diiddey in ay Kenya la gaarto xeer-jajab ku aaddan dhul badeedka Somalia ee ay sheeganayso.

Arrintan ayaa laga fahmi karaa in Kenya aysan caga badan ku taagnayn sharci ahaan, balse ay dabaqayso siyaasad ku dhisan ”ku qabso ku qadi mayside”, iyadoo doonayso inay xeer jajab iyo handadaad ku hesho dhul aysan lahayn.

Hadalsame Media