Sinjibiisha oo DAWO u noqotay cudurka dunida ugu HALISAN!

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2019 – Sinjibiishu waxay kaalimaha sare uga jirtaa walxaha loo adeegsado cunno ahaan iyo cilaaj ahaanba.

Sinjibiisha oo asal ahaan laga soo gaarey Koonfur Bari Aasiya, waxay muddo sanooyin ah caan ku ahayd astaamaha u gaarka ah ee xawaash, udgin iyo dawo. Waxay tusaale ahaan aad ugu roon tahay juuc subaxeedka (morning sickness).

Sinjibiisha ayaa haatan la ogaadey inay u roon tahay cudurka Kansarka, waloow ay awalba adeegsan jireen bukaannada qaadanaya kiimikada lagu gubo unugyo bahaleedka Kansarka si ay ugula diriraan lalabada iyo xanuunka, iminka waxaa lagu sheegay faa’iido kale.

Daraasad ay samaysay Jaamacadda Georga State University ayay cilmi baarayaashu ku ogaadeen in Sinjibiishu ay disho oo jirka ka saarto unugyada buka iyadoo soo reebta kuwa fayoow oo qura.

Sinjibiisha ayaan sidoo kale qofka saamayn xun uga tegin (side effects) si ka duwan hannaanka sumaynta unugyo bahaleedka (chemotherapy) oo la ogaadey inuu kordhiyo heerka loo yaqaan, taasoo ah inuu kansarku u wareego ama kasoo boxo meelo aanu markii hore ku oollin, taasoo ah sababta galaafata bukaano badan oo cudurkan la tacaalaya, sida uu sheegay Dr. Raghu Kalluri, oo cilmi baaris kale ka wada Beth Israel Deaconess Medical Center oo ku taalla Boston, USA.

Daraasadda George State, waxay culimadu ogaadeen in adeegsiga Sinjibiishu ay 56% ka dhintay feex ku taalley prostate-ka jiir tijaabo lagu samaynayay, iyadoo xanuunkii gubashada yaraysay isla markaana kordhisay awooda sun dilidda (anti-oxidant).

Daraasadani waa middii 17-aad ee Sinjibiisha la xiriirisa dawada Kansarka, iyadoo horay loo ogaadey inay dawo u tahay 101 cudur oo kale.

Waxaad Sinjibiisha u adeegsan kartaa dhowr nooc, sida shaaha oo aad ku bigaysato, walxo ay ku jirto oo aad cunto ama adigoo iyadoo cusub qariida sidaasoo ah sida ugu deg deg badan ee looga macaasho.

Isha: Health Holistic Living

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media