“Dal walba waa hadlay!” – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo DF ugu baaqay inay u “hiilliso” Soomaalida lagu laynayo K/Afrika

0

(Muqdisho) 04 Sebt 2019 – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa DF Somalia u diray baaq deg deg ah oo ku saabsan arrin ay ka gaabisay.

Wuxuu bartiisa Facebook kusoo qoray: “Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xadgudubka dilka iyo dhaca isugu jira loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika waxay u baahan yihiin hiil qaran. Dawladaha dhibka loo geystay muwaadiniintooda way ka falceliyeen.

“Wadamada qaar madaxdooda ayaa toos isugu xilqaamay, halka kuwo kale na ay ergooyin gaar ah u direen dalka K. Afrika. Madaxda dawlada federaalka ah waxaan ka doonaynaa in ay xil iska saaraan waxna ka qabtaan dhibka haysta muwaadiniinteenna ku nool Koonfur Afrika.” Ayuu raaciyay.

Waxaa ilaa iminka weerarka ka dhanka ah Afrikaanka kale ee ay soo qaadayaan dadka madowga ah ee Koonfur Afrika ka qayla dhaamiyay dalalka ay dadku ka joogaan badankood, balse Somalia weli kama hadlin.

Hadalsame Media

Facebook Comments