ADDIS ABABA: Magacyada dalalka la kala safan Somalia-Kenya, xeesha DF Somalia iyo kulan muhim ah oo Khamiista dhacaya

0
African leaders and delegates attend the Africa Union Peace and Security Council Summit on Terrorism at the Kenyatta International Convention Centre in Nairobi, September 2, 2014. African leaders proposed on Tuesday creating a special fund to combat Islamist militant groups growing in strength from Kenya to Nigeria. African Union (AU) states announced the idea after Nairobi talks on a problem highlighted on Tuesday by capture of a town in north-eastern Nigeria by Boko Haram militants. Fighting killed scores of people, according to security forces, and sent at least 5,000 fleeing. REUTERS/Noor Khamis (KENYA - Tags: POLITICS CIVIL UNREST SOCIETY)

(Addis Ababa) 04 Sebt 2019 – Waxaa shalay magaalada Addis Ababa ka dhacay kulan ay yeesheen Golaha Amaanka ee Midowga Afrika oo ka wada hadlay hindise ay Kenya wadatey oo ku saabsan in dib loo riixo dacwadda badda ee hor taalla Maxkamadda ICJ oo Isniinta furmaysa.

Somalia oo uu shirka ku metelayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ayaa caddaysay in aysan diyaar u ahayn dib u dhigista dacwaddaasi iyo in ay xal Maxkamadda ka bannaanka ah la gaarto Kenya toona.

GOLAHA AMAANKA AFRIKA

  • Bartamaha Afrika: 3 kursi
  • Bariga Afrika: 3 kursi
  • Woqooyiga Afrika: 2 kursi
  • Koonfurta Afrika: 3 kursi
  • Geeska Afrika: 4 kursi

Waa guddi ka kooban 15 xubnood oo wareegto ah, waxaa codka ugu badan haysata Somalia oo 2 ka heysata 3-da kursi ee Bariga Afrika, waxaana dalalka ku jira ee ay Somalia taageerada ka haysataa ay gaarayaan ilaa 7 dal iyo dalka Guddoonka haya oo aan isagu cod lahayn balse wax la farsamaynaya kaasoo ah Marooko, sida ay fahamsan tahay warbaahinta Hadalsame Media.

Dalalka Somalia la safan ee aannu magacyadooda helnay waxaa ka mid ah Gabon,  Nigeria, Togo, Jabuuti, Rwanda, iyo Marooko oo Guddoonka haya.

Halka kuwa Kenya la safan oo 6 ah aan magacyadooda helnay Aljeeriya, Burundi, Siera Leone oo laftiisa la sheegay inuu kasoo hari karo Kenya. Magacyada 3-da dal ee kale maynaan helin.

SHAXDA DF SOMALIA

Maxaa xiga? Waxaa maanta Addis Ababa u dhoofaya Wasiir Dibadeedka Somalia Md Cawad si uu ololaha ay Somalia ku ban marinayso isku dayga Kenya uu halkaa uga wado, sida ay Hadalsame u sheegeen rag ku jira xayndaabka hoose.

Golaha Amaanka ayaa kulankii ay shalay yeesheen la isku mari waayay iyadoo ay dalalka Somalia la safani soo jeediyeen in aan dacwaddan far la saarin maadaama ay hor taallo hay’ad caalami ah oo xaq maamul (jurisdiction) u leh inay kiiskan xugmiso.

Yeelkeede, waxaa markii dambe lagu heshiiyay in Khamiista ay arrintan eegaan koox uu hoggaaminayo Garyaqaanka Guud ee Midowga Afrika; waxaa qura ee Khamiista la eegayaa waa inay abid horay u dhacday kiis dacwo oo hor yaalla maxkamad caalami ah oo uu fara geliyay Golaha Amaanka Midowga Afrika. Jawaabtuna inta la ogyahay waa mid taban oo horay uma dhicin.

Xitaa haddii meel luuq ah wax laga soo saaro, waxaa qorshaysan in maadaama waxa howsha wada ee uu Gudigu ka kooban yahay ay yihiin Danjirayaal in dalalka Somalia la safan oo ay codsadaan in ay arrintan dib ugula noqdaan madaxda dalalkooda oo Isniin la isu soo noqdo.

Isniintuna dabcan dacwadiiba furantay. Isku soo duuboo Kenya ayaa u muuqata in markale lagu diley jar laba iyo aflaay ah.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media