Kenya oo guuldarro kale qiratay & tillaabada xigta ee ay qaadayso

0

(Nairobi) 04 Sebt 2019 – Isku daygii ugu dambeeyay ee ay Kenya ku doonaysay inay gebi ahaanba kaga baxdo ama feelasheeda ay kala laabato dacwadda badda ICJ ayaa guul darreystay, sida uu qorayo Daily Nation oo sheekadiisa cinwaan uga dhigay “Kenya oo ku fashilantay isku daygeedii ugu dambeeyay ee ay ku doonaysay in ay Somalia lasoo noqoto dacwadda ICJ.”

Waxaa Kenya loo sheegay in aan meel laga noqdo la joogin oo ay soo xaadirto dhegeysiga kama dambeysta ah ee dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya ee 9 Sebtembar la dhegeysan doono.

● Kenya wuxuu jaraa’idkoodu qorayaa inay horey u sheegtay in wax walba ha ku qaadatee ay ku dhabar adeegi doonto kiiskan xitaa awood Militeri ha noqotee.

● Soomaaliya ayaa iyadana Isbuucii la soo dhaafay Xildhibaan Dalxa oo la hadlayay VOA ayaa isna sheegay inay iyaguna diyaarinayaan ciidammo difaaca weerar walba oo Kenya kaga imaada kaasoo la xiriira aagga Badda ee ay Kenya sheeganayso.

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Y. Khasaaro

Hadalsame Media