“Wada ciyaari mayno!!” – Zambia oo gebi ahaanba KANSASHAY ciyaar saaxiibtinnimo oo ay yeelan lahayd South Africa dilka dadkeeda dartii

0

(Lusaka) 04 Sebt 2019 –  Xiriirka Kubadda Cagta Zambia ayaa gebi ahaanba kansalay kulan saaxiibtinnimo oo ay la yeelan lahaayeen dhiggooda Koonfur Afrika, sababo la xiriira weerarrada ka dhanka ah shucuubta Afrika.

Wiilasha Chipolopolo ayaa la ciyaari lahaa xulka Bafana Bafana kulankaasoo la qoondeeyay inuu Sabtiga ku qabsoomo dalka Zambia.

Yeelkeede, war rasmi ah oo xalay fiidkii kasoo Xiriirka FAZ (Football Association of Zambia) ayaa u dhignaa: “Xiriirka FAZ wuxuu si uu ka xun yahay dadwaynaha ula socodsiinayaa in la baajiyay kulankii Zambia iyo South Africa ku dhex mari lahaa Garoonka Halyeeyada Qaranka (National Heroes Stadium) Sabti, 7 Sebtember 2019.”

Xiriirka FAZ ayaa ciyaartaa u kansalay wax ay ku sheegeem walaacyada amaan ee kasoo cusboonaaday KA, si ay dadkooda hiillo ugu muujiyaan.

Xoghayaha Guud ee FAZ, Md Adrian Kashala ayaa sheegay in ay farriin u direen Xiriirka South African Football Association (SAFA) si ay go’aanka ula socdaan.

Zambia ayaa horay KA ugu sheegtay inay wax ka qabtaan weerarrada lagu qaadayo dadkeeda iyo Afrikaanka kale, balse waxba lagama qaban.

Hadalsame Media