Safaaradaha Afrika oo bilaabay inay u doodaan dadkooda ku sugan South Africa & Safaaradda Somalia oo ka aamusan

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2019 – SAFAARADAHA dadkooda u doodaya Safaaradda Somalia maxaa ka Reebay?

● Safaaradda Ethiopia, ayaa ugu baaqday Muwaadintooda ku sugan South Africa inay albaabada isugu dhuftaan xarumahooda ganacsi gaar ahaan Magaalada Johannesburg, islamarkaana ay ka fogadaan goobaha halista ah ay rabshadaha ka dhici karaan.

● Safaaradda Zambia ayaa ugu baaqday darawalada baabuurta xamuulka ee dalkeeda in aysan u safrin Koonfur Afrika tan iyo inta amniga dib loo soo celinayo.

● Nigeria waxay ku celcelisay in ganacsatada reer Nigeria ee ku sugan South Africa la bartilmaameedsaday markii ay rabshadaha bilowdeen, islamarkaana ay South Africa kala xisaabtami doonaan dhiigga iyo hantida Muwaadiniintooda.

● Zimbabwe, waxay ka digtay in haddii gumaadka uu sii socdo ay ka dhalan karto cawaaqib xumi horseeda inay is ugaarsadaan Shacabka labada dal South Africa & Zimbabwe.

● DF SOMALIA weli kama hadlin arrintan wax agaasin ah oo heer safaaradeed ama heer dowladeed ah oo ilaa iminka dhacayna ma jiraan.

Hadalsame Media