Kenya oo Somalia ku dacwaysey Golaha Amaanka Midowga Afrika (Shir galabta dhacay + doodda & dood-celinta labada dal)

0
African leaders and delegates attend the Africa Union Peace and Security Council Summit on Terrorism at the Kenyatta International Convention Centre in Nairobi, September 2, 2014. African leaders proposed on Tuesday creating a special fund to combat Islamist militant groups growing in strength from Kenya to Nigeria. African Union (AU) states announced the idea after Nairobi talks on a problem highlighted on Tuesday by capture of a town in north-eastern Nigeria by Boko Haram militants. Fighting killed scores of people, according to security forces, and sent at least 5,000 fleeing. REUTERS/Noor Khamis (KENYA - Tags: POLITICS CIVIL UNREST SOCIETY)

(Addis Ababa) 03 Sebt 2019 – Golaha Amaanka Midowga Afrika ayaa galabta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Addis Ababa, kaasoo ay Kenya ku doonaysay in dib loo dhigo dacwadda badda ee dib uga furmaysa magaalada Hague, halkaasoo ay Somalia gaysey 2014.

Cabdulqaadir Axmed Khayr, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibedda ee DF Somalia oo shirkaa ka qayb galay ayaa sheegay inay arrintaa gaashaanka u daruureen, iyadoo ay Somalia ku doodday in Kenya aanay muddo 5 sanadood ah soo jeedin wax dib u dhigis ah, hadda oo ay todobaad ka yar ka harsan yihiinna ay tahay ”madadaalin iyo carqaladayn”, jeer ay Dacwadda labada dal dib loo furayo Isniinta soo aaddan oo ku beegan 9-ka bishan.

Md Axmed Khayr ayaa sheegay inay warqad u gudbiyeen Golaha Amaanka Midowga Afrika, kaddib markii ay Somalia khudbad ka jeedisey kulanka oo ay ku casuuntey Marooko oo haatan haysa Guddoonka wareegtada ah ee Golahaasi, Kenya ayaa iyaduna khudbo halkaa ka jeedisey.

Intaa kaddib waxaa shirka dibedda looga saaray labada dal ee Somalia-Kenya, si looga arrinsado, iyadoo aan weli wax go’aan ah laga soo saarin, iyadoo la filayo inay Khamiista markale fariistaan.

”Somalia waa dal door firfircoon ku lahaa diblomaasiyadda qaaradda Afrika, isla markaana gacan ka gaystey gobannimadii dalal badan oo Afrikaan ah, marka annagu cidna halis kuma nihin, ayaan goobta ka jeedinay dalal badanna waa nagu taageereen.” ayuu yiri Wasiiru Dowluhu.

”Waxaan shirka uga qayb galnay inaan difaacno moowqifkeenna ah in laga war sugo Maxkamadda ay dacwaddu hor taallo.” ayuu ku dooday Wasiirku.

Hadalsame Media