DAAWO: Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu qabtay FAL-FAL XUMO ay ka wadeen Muqdisho (Xukunno lagu ridey)

0

(Muqdisho) 03 Sebt 2019 – Waxaa shalaytoole Maxkamad Ciidan oo Muqdisho ku taalla lasoo taagey saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Uganda ee ka tirsan AMISOM oo lagu helay inay bansiin iyo waxyaabo kale ka iibinayeen ganacsatada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa lagu xukumay min 1 sano ilaa 18 sano, halka qaar iyagoo sharaf dhacay laga rukhseeyay guud ahaanba Ciidamada, qaarna garaadihii laga rifay, kaddib markii ay ku caddaatay dhaqan xumo iyo tillaabooyin ka dhan ah anshaxa Nabad Ilaalinta caalamiga ah.

Waxaa xukunnada askartan u akhriyay Sarreeye Guuto Jen Dick Olum oo ah Madaxa Maxkamaddan, kaas oo sheegay inaysan u dulqaadan doonin dhaqamada noocan ah.

AMISOM ayaa marar badan lagu helay inay ku tuntaan kalsoonida la siiyay iyagoo dhibaatooyin iyo tacaddiyo kala geddisan ka gaysta Somalia.

”Ciidamadani kaliya ma sharaf ridin Uganda iyo AMISOM, balse waxay xitaa halis geliyeen nolosha dad kale,” ayuu yiri Jen. Dick Olum oo difaacaya xukunnada ay ku rideen askartan.

Hadalsame Media