Somaliland oo qiratay jiritaanka MASHRUUC wayn oo ay SAXIIXDAY DF Somalia oo halkaa laga fulinayo!

0

(Hargaysa) 03 Sebt 2019 – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in Dawladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya ay wada saxeexeen Mashruuc uu Baanka Horumarinta Afrika ka fulinayo Somaliland, kaasi oo ah Waddada isku xidha Magaalooyinka Boorama iyo Lowyacaddo.

Wasiir Cabdillaahi Abokor oo Shalay uu Telefiishanka HCTV waydiiyey waxa ka jira in Soomaaliya ay Baanka Horumarinta Afrika u saxeexday dhismaha Waddada Boorama illaa Lowyacaddo oo Baanku Maalgelinayo, ayaa sheegay in Soomaaliya oo keliya aanay saxeexin, balse Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya wada saxeexdeen, ka dib markii uu arrintaa ka shaqeeyay Madaxweynaha Jabuuti oo Madaxweynaha Somaliland ka codsaday inuu arrintaa kala shaqeeyo.

Wasiir Cabdillaahi Abokor oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Mashruucaa waxa Maalgelinaya Baanka Horumarinta Afrika, Mashruuca Hal-abuurkiisana waxa lahayd Dawladda Somaliland, waxaanu markii uu Madaxweynuhu Jabuuti tagay uu ka codsaday Madaxweynaha Jabuuti in Waddadaa (Boorama/Lowyacaddo) wax lagala qabto, Madaxweynaha Jabuuti wuu ka hawl-galay waxaanu Baanka Horumarinta Afrika ka codsaday in Waddadaa loo dhiso, waxa ka wada codsaday Dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya, Dawladda Soomaaliyana markii dambe qayb ka noqotay, maaddaama oo aanay Somaliland ka mid ahayn Wasiirrada Maaliyadda Afrika ee saxeexa Mashaariicda..”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Innaga Soomaaliya waxay inoola mid Itoobiya ama Jabuuti oo kale, Mashruucaana waxa wada saxeexay Saddexdaa Dal, maaddaama oo aynaan innagu ka mid ahayn Baanka Horumarinta Afrika, Mashruucaa shaqadiisana Somaliland baa gacanta ku haysa, laakiin Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa wada saxeexay Mashruucaa, maaddaama oo ay qayb ka yihiin baanka Horumarinta Afrika.” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa warka u yara ekaynaya in ay dalal kale saxiixi karaan wax khuseeya Somalia, isagoo doonaya inuu sidaa ku yareeyo doorka DF Somalia, balse markii aannu sharciyan arrintan u eegnay wax mashruucan Jabuuti iyo Itoobiya ka khuseeya iyo meel ay kasoo geli karaan ma jirto.

Somaliland ayaa shalay diiddey mashruuc kale oo lagu hormarin lahaa magaala maarsada Berbera oo ay DF Somalia kasoo dhamaysay Midowga Yurub.

Xigasho: Horncable TV

Hadalsame Media