”Somalia-Kenya waxaa ka dhex bilowday ”Dagaal Qaboow” – East African oo qoray 5 tillaabo oo ay Somalia ka qaadday dalka Kenya

0

(Nairobi) 03 Sebt 2019 – Wargayska The East African ee Kenya kasoo baxa ayaa warbixin dheer ka qoray wax uu ku sheegay ”Dagaal Qaboow” oo u dhexeeya Somalia-Kenya oo sii xoogaysanaya.

Warqaadkan ayaa soo taxay liiska qodobbo ay labada dal isku ”wiiqayaan” ama isku dhabar jebinayaan oo ay ilaa iminka qaadeen, sida uu wargaysku u dhigay. Waxay kala yihiin:

HALKAN HOOSE KA EEG

  • Somalia waxay mucaaradday hindise ay riixaysay Kenya oo kooxda Al Shabaab ku dari lahaa liiska madoow, kaasoo cunaqabatayn lagu saari dadka ku nool meelaha ay xukumaan
  • Somalia waxay Kenya ka dacwaysey Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, iyadoo doonaysa inay uga guulaysato Kenya
  • Somalia waxay ka ololaysay musharraxnimada Kenya ee kursiga wareegtada ah ee Golaha Amaanka ee QM
  • Somalia waxay ciidamada Kenya ee KDF ku eedaysay inay burburiyaan anteenooyinka isgaarsiineed ee Somalia. FG: Halkan eed ma ahane waa arrin jirta, balse wargayska ayaa sidaa u qoray
  • Somalia waxay soo rogtey xannibaad ku aaddan dayuuradihii Kenya ka iman jirey ee Kismaayo aadi jirey, kuwaasoo ay haatan tahay inay Muqdisho soo maraan oo ”rukhsad” kasoo qaataan. FG: DF Somalia xukunkan kuma soo rogin dayuuradaha Kenya ka yimaada oo qura.
  • Kenya waxay soo rogtey in dayuuradaha ka yimaada Muqdisho ay soo maraan magaalada Wajeer, kahor inta aanay Muqdisho soo gelin, balse waxay ogolaatay inay toos usoo galaan kuwa ka yimaada Jubbaland iyo Hargeisa

Wargayskani wuxuu sidaa ku taxay 6 qodob oo uu 5 ka mid ah ku eedeeynayo Somalia, isagoo hal mid uun kasoo qaatay Kenya oo xaaladda cirka ku shareertay horraantii sanadkan kaddib markii ay dalkeeda ka cayrisey Danjirihii Somalia.

Waxaa xigtey dib u celintii madax ka tirsan DF Somalia, faragelinta Jubbaland iyo guud ahaan Somalia sida xiriir ay sheegeen inay la yeelanayaan Somaliland oo falax gooddis ah iyo midda arrintan oo dhami salka ku hayso oo ah sheegashada qaawan ee dhul-badeedka Somalia, tiiyoo oo ay Kenya xitaa diiddan tahay inay ku qanacdo Xeerka Caalamiga ah.

Hadalsame Media