Sababta uu Libaax ku diidey inuu Doofaar la dagaallamo!

0

(Hadalsame) 02 Sebt 2019 – Libaax Ayaa La Kulmay Doofaar Markaa Baa Doofaarkii Wuxuu yiri: ila Dagaal!

Libaaxii oo Yaaban baa Yiri : Hadaa Tahay Doofaar Iskuma Qalano, Hadaan Ku Dilo Waxaa La Leeyahay: Libaaxii Baa Doofaar dilay; Taasna Wax Lagu Faano Maaha, Hadii aad iga Adkaatidna Waaba ii Caay ama Aflagaado.

Doofaarkii Baa Yiri : Hadaadan ila Dagaalin Waxaan U Sheegayaa Habar-Dugaag inaad Ka Cabsootay ama ka baqday Dagaalkeyga..

Markaa Baa Libaaxa Wuxuu Yiri : In Aad iga Been Sheegtid Waxay dhaantaa inaan Dhiigaaga Shaarbahayga Isaga Haleeyo!

Kor isku Qaad!

Hadii Qofka lagu Garto Asxaabtiisa
Sidoo kale Cadawgiisana Waa Lagu Gartaa!

Dadka Qaar Uma Qalmaan Xataa In ay Cadaw Kula Noqdaan!
Hadii Aad La Noqotidna Guushaada Dhadhan Maleh, Guul-daradaadana Waa Laba- laab!

Dagaalada Qaar Inaad Ku Guuleysatid Kaliya Waxaa Kaa Xiga Inaadan Gelinba!

Halyeeynimada Dhabta Ah Waa Inay Kaa Fogeysaa La Dagaalanka Dadka Liita Ulana Dhaqan Sida Khabiirada Wadida Gawaarida Ku Taliyaan; Banee Masaafo Badbaado Oo idiin Dhaxeyso Adiga iyo Gawaarida Kale.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Xaliye MF

Hadalsame Media