DF Somalia oo si rasmi ah ugu dhawaaqday xilliga uu furmayo Shirka dib u Heshiisiinta Galmudug (2 arrimood oo kahor lagu dhaqaaqayo)

0

(Dhuusamareeb) 02 Sebt 2019 – DF Somalia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday xilliga uu furmayo Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.

Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia ayaa muddeeyay inuu shirku furmi doono maalinnimada Arbacada ah ee soo aaddan oo ay bishan Sebt. tahay 4.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in mudada yar ee ka harsan xilliga uu shirku furmayo ay ku dhaqaaqi doonaan laba arrimood oo asaasi u ah habsami socodka shirka:

1 – In ergay kasta loo sameeyo kaar aqoonsi iyo baaj ku dheggan si aanay meeshu u noqonin goob iska furan.

2 – In la sameeyo muxaadarooyin baraarujin ah oo ergooyinka ku dhiirri gelinaysa muhiimadda iyo faa’iidooyinka dib u heshiisiinta iyo midnimada umadda.

Hadalsame Media