”Qof aan qiimahaaga aqooni kuma QADDARIN karo!”

0

(Hadalsame) 02 Sebt 2019 – Oday waayeel ah ayaa wiilkiisa siiyey saacad qadiim ah Wuxuuna ku yidhi ” Saacaddan waxaa lahaa awowgaagii saddexaad Waxaana la sameeyey mudo haatan laga joogo 200 sano ee bal marka hore soo ogow qiimaheeda”

Wiilkii saacaddii ayuu qaaday wuxuuna u tagey dukaan lagu iibiyo saacadaha,waxaynu ku qiimeeyeen in saacaddan qiimaheedu uu yahay 5$ shan dolar maadama ay ahayd saacad duugowday.

Wiilkii markuu Aabihii u sheegay qiimaha Saacadda ayuu ku yidhi ” Saacaddu qiimahaas ma joogtee Dukaan kale oo weyn u tag ama u gee”

Wiilkii hadana dukaan kale ayuu tagey waxeyna ku qiimeeyeen 5000$ shan kun oo dolar.

Haddana Odaygii ayaa ku yidhi wiilkiisii” Saacaddu qiimahaas ma joogtee waxaad geysaa Mad-xafka – meelaha la dhigo alaabta qadiimka ah – wiilkii wuxuu u tagay Mad-xafkii markuu u bandhigay saacadda wey baareen kadibna waxey ogaadeen in saacaddan ay tahay mid taariikhi ah oo qarniyo hore la adeegsan jiray waxayna ku qiimeeyeen 100,000$ boqol kun oo dolar.

Dulucda sheekadan waxay tahay dadka qaar qiimahaaga dhabta ah ayey gartaan kuwo kalena qiimahaaga magaran karaan.

Haddaba marwalba ku dadaal inaad la noolaato oo soo dhaweysato kuwa qiimahaaga garan kara. Qof aan qiimahaaga garaneynin kuma qadarin karo.

Waxaa Diyaariyay: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media