”Umaddani ka daashey HUB & hadal xumo siyaasadeed”

0

(Hadalsame) 02 Sebt 2019 – Nin ayaa markii gumeysigii Ingiriisku jirey gaaloobay. Markii Ingiriiskii tegey, ayuu xoogaa busaaradoobay oo maciishaddii ku adkaatay. Kuwo qaraabadiisa ah ayaa ku yiri ninyohow waakaa Ingiriiskii tegaye, maad iska islaantid. Wuxuu yiri “Wallaahi hadda sidaasayba tegeysaa.”

Nabadda waddanka ka jirta uma eka mid heshiis iyo qanaaco ku timi. Mid lagu khasbanaaday oo utumihii hore ay meelaha qaar hoosta ka hurayaan ayey u muuqataa.

Haddii maanta la helo hub iyo hanti dib loogu bilaabo colaadihii, waxaa muuqda in meeshii lagu noqonayo. Waxaad taas ka garanaysaa sida reer walba isugu jiibinayaan hadallada dhimbilaha wata.

Dhuxulaha dambasku fuulay ee weli hoos ka shidan, haddaan dadka noo haya hoggaanka siyaasadda iyo dhaqanku u soo jeesan, wixii yaraa ee noo dhismay waa naga dumayaan.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media