Xeebta Liido oo lagu soo arkay xaalad laga NAXO!! + Sawirro

0

(Muqdisho) 01 Agoosto 2019 – Xeebta Liido waa sidee? Waxan booqday saakay oo taariikhdu tahay 1/9/2019 xeebta Liido si aan ugu so dabaasho, waxan kuso arkay xaalad halis ah, marki aan tagay xeebta waxa iso shiiray nafto (diesel).

Waxana is iri waxa laga yaabaa in doomaha lagu shubayo shidaal oo ay hawadu soo qaadday, waxan biyaha dushooda ku arkay olyo (oil) kor sabbeeynaysa biyaha.

Ka dib waxan arkay carradi maanyada ee cadeed oo madow isu badashay. Intaas waxa si dheer QASHIN haba ugu darnaadaan xafaayadaha ilmaha oo meesha yaalla.

Hadaba, sidaas waxa yeelay badeenna doomaleeyda, dadka ku ag shaqaysta iyo dadweynaha u dabaal taga. Waana arrin halis ku ah noolaha badda ku jira iyo dadka ku dabaalanaya intaba.

Waxaa maka iga su’aal ah dalku ma leeyahay cid u qaabilsan ilaalinta deeganka? Hadii ay jawabtaadu haa tahay fadlan gaarsi xaaladda liido.

Waxaa Qoray: Foowsi Camoore oo goobta tegey

Hadalsame Media