Ciidamada Booliiska Somalia oo ka hadlay nooca uu yahay dembiga loo haysto Cabdi Janan

0

(Muqdisho) 01 Sebt 2019 – Waxaa shalay Muqdisho lagu xirey mas’uul ka tirsan Maamulka Jubbaland, kaasoo uu Taliska booliiska Somalia markii ugu horreysay xariggiisa ka hadlay. Ninka la qabtay waa Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan).

Taliye ku-xigeenka Booliiska Somalia, Jen. Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in Janan ay soo xireen ciidammada Booliska , isagoo ku eedeysan wax ay ku sheegtay “dambiyo culus” oo aanay ka bixin faahfaahin intaa dheer.

“Ciidanka Booliiska Soomaliyeed ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska.” Ayay Jen Sakiya ku sheegtay Twitter-ka.

Warkan ayaa waxaa kasii horreeyay mid kasoo baxay Jubbaland oo ay ku dalbatay in dib xoriyadiida loo siiyo Wasiirka Amniga Cabdirashiid Janan.

Hadalsame Media