Muxuu ku saabsanaa kulankii dhexmaray RW Khayrre iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka? + Sawirro

0

(Muqdisho) 01 Sebt 2019 – Waxaa dhacay kulan ku qabsoomay Xarunta Xukuumadda oo dhexmaray RW Somalia Xasan Cali Khayrre iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Somalia oo u badnaa rag inta badan aysan isku aragti ahayn xukuumadda.

Waxaa kulankaa oo dadkii ka qayb galay uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Odawaa oo shalay rasmiyeeyay inuu yahay musharrax u taagan Madaxtinnimada Galmudug wixii looga hadlay ka sheekeeyay Xil. Fiqi oo bartiisa Facebook kusoo qoray sidatan:

“Kulan muhiim ah oo ka dhacay xafiiskiisa Raysulwasaaraha xukuumadda Xasan Khayre, oo nagu wehliyey musharaxa madaxweynaha GM Xil. Abdirahman Odowaa.

“Kulanka waxaa diiradda lagu saaray si qoto dheerna looga wadahadlay dhismaha DG Galmudug loo dhan yahay, Geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo loo maro dhismaha dawlad goboleedka.

“Waxaa la bogaadiyey hawsha uu hormuudka ka ahaa Raysulwasaare Khayre ee xooggan lagu saarayey gogol u xaarka dhismaha Galmudugta cusub ee doorashadeedu ay ka dhacayso caasimadda Dhuusamareeb.

“Gabagabadii Raysulwasaaraha iyo saaxiibadii kulankaas ka qeybgalay waxaa lagu heshiiyey dhismaha Galmduug loo dhan yahay oo loo maro hanaan cad, oo dhasha hogaan hanan kara hawlaha hortabinta u leh Galmudug xilligan la joogo.” Ayuu kusoo afmeeray.

Hadalsame Media