Reer Puntland hilmaamid u nugulaa!!

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2019 – Kabtanka Xulka Puntland Abdisalaam Dhiidhiyo, wuxuu Jilibka si xun uga dhaawacmay 2017 (Knee injury minuscus and crucial) asagoo Ku jira u diyaargarowga Tartanka Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo markaa ka furmayey Muqdisho, nasiib umuusan helin inuu Tartankaas qayb ka noqdo sababtoo ah dhaawaca oo aan ahayn mid sahlan.

Maka haray Kooxda mise?

Kamuusan harin Kooxdii si uu u dhiirrigesho ulana shaqeeyo Maamulka, waliba isagoo socodku dhibayo ayuu Subax walba Aroorti la kalihi jiray Teamka si uu Tababarka dhiniciisa uga bixiyo khibradiisana ula wadaago, waxaan arki jiray isagoo Dhalinyarada u canaananaya si ka baxsan xadka si ay guulo usoo hoyaan.

Maxaa dhacay kadib?

Marki dib loo soo laabtay Kabtan Cabdisalaan waxaa loo geeyey Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo markaa Xilka hayey, wuxuu helay balanqaad ah in laga bixiyo qaliin looga Sameeyo Jilibka loona diro Safar Hindiya ah waxaana ku dhawaad ku baxayey qarash dhan $10,000 (Toban kun oo dollar) oo ah Lacag yar marka loo eego waxtarkiisa iyo Guulihi uu usoo hoyey Puntland, nasiib darro Cabdisalaan ilaa hada oo ay 2sano kasoo wareegatay dhaawiciisa wax si hoose u eegay baahidiisa ma jirto cid garab qabatay ama daweesay lama arag, mana ciyaaro Kubada cagta waayo dhaawici ayaa ku fogaaday xalna ma uusan helin weli.

Waxaase la yaab leh in markuu 2016-kii dhamaadkeedii Puntland kasoo dajinayey Koobka oo uu Garowe ilaa Bosaaso kusoo wareejinayey isaga iyo kooxdiisa wuxuu ahaa halyey, waxaanu lahayn waa laacib Puntlander ah, hada oo uu Tobankun kaliya u xayiran yahay mudo 2sano ah iyo dheeraad muxuu xageena ka yahay? Shaki kuma jiro in aynu hilmaamida hal doorkeena u nugul nahay.

Waxaan la wadaagayaa bahda Dhalinyarada ee Sportska Puntland, Ganacsatada, Aqoonyahanada, Haweenka Masuuliyiinta Dowladda arintan dib haloo eego hana la baadi goobo Xaalada Cabdisalaan oo ah Nin Dhalinyaro ah qiimo weynna ugu fadhiya Shacabka Puntland ee Soomaliyeed.

Madaxda Wasaarada Cayaaraha oo arintan ka gaabiyey iyagoo og Kabtan Cabdisalaan waxtarkiisa waxaan leeyahay balanqaadkiini kasoo baxa oo u halgama halyeyga, Waxaan la hadlayaa Agaasimeyaasha Wasaarada ee ogaa Xaalada Cabdisalaan si ay ugu gudbitaan Wasiirada cusub ee Wasaarada ku magacaaban hada.

FG: Anigu qoraalkan waxaan ku muujinayaa in Puntland iyo shacabkeeduba gabeen waajib ka saarnaa in ay Laacibkooda munaasibkiisa mariyaan, laakiin ma ahan inaan leeyahay Cabdisalaan Qaaraan haloo aruursho oo wuu dhiban yahay, wuu ladan yahay Cabdisalaan laakiin ciladi weli wey haysataa, waxaan u rajeyn Sxbkey cimri dheer iyo Caafimaad qab insha allah.

W/Q: Ibraahim Muuse Dahraan

Hadalsame Media