FANKA WIIIQITAANKA: Sida dal kale DAGAAL loogu jebiyo adigoon hal XABBO ku ridin (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2019 – Jurij Bezmenov oo markii dambe la baxay Tomas Schuman, wuxuu ahaa nin firfircoon oo ka tirsanaa Sirdoonkii Soofiyeetka ee KGB, waloow uu markii dambe u goostay dhanka Galbeedka isagoo ku noolaa Canada oo uu si faj’o ah oo aan sharraxaad fiican laga bixin la sheego inuu ”wadne xanuun” soo booddo ah ugu dhintay 1993-kii, xilli uu booqanayay carruurtiisa oo degganaa Montreal.

Wuxuu ka sheekaynayaa moowduuc uu cinwaan uga dhigay ”Fanka Wiiqitaanka”, gaar ahaan marka la doonayo in dal dhan la warac geddiyo oo dhulka la dhigo iyadoo aan HAL XABBO lagu ridin, isla markaana aanu ciidan kaaga dhiman.

Wuxuu sheegay in aan dal la dhex geli karin inta uu yahay mid isku xiran oo leh meel lagala socdo wixii gelaya ama ka baxaya, isagoo tusaale usoo qaatay dalka Japan oo muddo dheer dhaqankiisa iyo dadkiisa ka ilaashaday inay dalalka dibeddu soo daakhulaan.

Ninkii ugu horreeyay ee keena aragtida wiiqitaanka (subversion) wuxuu ahaa Filasuuf Chinese ah oo la oran jirey Sun Tzu, kaasoo noolaa 3,500 Nabi Ciise (CS) kahor, kaasoo la taliye dhanka sharciga ah u ahaa Shiinihii qadiimiga ahaa.

Wuxuu ninkani yiri: ”In siyaasadda dowladaada aad dagaal ku hirgeliso waa waxa ugu liita, ugu natiijo xun, uguna wax soo saar liita, si fudud waa doqonnimo in dagaal lagu hirgeliyo siyaasadda dowladda”, isagu wuxuu ka hadlayaa siyaasadda dibedda, dagaalka uu ka hadlayaana waa dagaal laba dal u dhexeeya.

”Fanka ugu sarreeya ee dagaal loo galo, waaba inaan la dagaallamin gebi ahaanba, balse waa inaad qiime riddaa wax kasta oo qiime la leh dadka aad is haysaan, ilaa aad ka gaarsiiso marxalad uusan adigaba KUU ARKAYNIN INAAD CADOWGIISA TAHAY.”

Intaa oo kaliya maahee, waa in ay dadku gaaraan heer uu dhaqankaaga, nidaamkaaga dowladeed iyo xadaaradaadu ay ula muuqdaan kuwo ka fiican kuwooda, isla markaana ay jeclaadaan inay taada qaataan oo dabaqaan, taasoo ah marxaladda ugu dambaysa ee la doonayo in lagu gaaro wiiqitaanka dal lagu sameeyo.

Xusuusnoow, uma baahnid inaad qarxiso BUUNDOOYINKA iyo DHISMAYAASHA dalkaasi leeyahay, waayo looma baahna inay dadku u maleeyaan inaad cadowgooda tahay ama neceb tahay ASLANBA.

Marka aad Somalia aragto tusaale kale uma baahnid, wixii umaddu qiimayn jirtey sida loo sharaf tiray, qiyaas qof masjid lagu dhex tooganayo, waa wax aan 30 sano kahor xitaa lagu fikiri kareen. Midnimadii umadda iyada haba sheegin, dhaqankii iyo umadnimadii waa hore ayaa la tuuray. ”Dal hebel waa walaaleheen, Soomaalida kalena waa cadowgeenna!” waa marxalad aan waa hore galnay. Danihii umadda ka dhexeeyay kuwaa yaaba is waydiiyay, cadowgii wadareed ee ay lahaayeen, waa kuwaa lakala ”walaaloobey” iyagoo siran oo naftooda been ku maaweelinaya.

Ogoow intaasi waxay maraysaa marxalado iyo wejiyo kala geddisan oo 15-20 sano ah, taasoo sababta tiradaa loo xushay ay tahay muddada wax lagu BARI KARO HAL JIIL, oo maskaxdiisa lagu gelin karo aydolojiyad iyo fikir uu si saaxi ah maankiisu u qabatimay, oo ay adag tahay in laga tiro.

Muddadaa 15-20 sano ah waxaa la hirgelinayaa wax loo yaqaanno ”GEEDDI SOCODKA WIIQITAANKA” kuwaasoo gelaya dhinac kasta sida aragtida, dhaqanka, diinta, ganacsiga, siyaasadda, waxbarashada iwm.

La soco qayb kale oo aan ku eegayno geeddi socodka wiiqitaanka insha ALLE.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media