Waa QISO dhacday oo anfacaysa dadka markii XIL loo dhiibo dadka ku KIBRA!

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2019 – Waa ayaanba ayaane Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Alle ha u naxariistee intii uu ka talinayey Soomaaliya ayaa nin mudo ka mid ahaa Golahii wasiirada xukuumadii soomaaliya oo dalka Mareykanka degan magaciisa aan sheegeyn ayaan dhawr jeer la kulmay arimo badan oo xaaladaha soomaaliyana la xiriira ka wada sheekeysanay.

Ninka odeyga ah ee wasiirka ahaan jirey ayaa waxaa dhacday inaan maalin maalmaha ka mid ah weeydiiyey anagoo sheekeysanayna intii uu ka tirsanaa xukuumadii kacaanka waxyaabahii ugu yaabka badnaa ee soo maray waxuuna iigu jawaabey sidan:

Adeer inkastoo aan aad u wada xasuusan waxyaabo badan oo aan la kulmay intii aan ka tirsanaa golahii wasiirada xukuumadii kacaanka hadana waxaan weligay iloobeyn arin dhacday xiliyadii 80-meeyadii gaar ahaana ku dhacday nin ka tirsanaa golahii wasiirada ee waqtigaas kaasoo weliba ka mid ahaa ragga awooda badan ee madaxweynaha ay saaxiibo gaar ah ahaayeen.

Ninkaa xiligaas wasiirka warshadaha ayuu ahaa waxaana dhacday in galab ka mid ah galbaha uu shir isagu yeeray maareeyaasha guud iyo agaasimayaasha ee hoos tagayey wasaarada uu madaxda ka yahay.

Shirka ayaa isagoo socdo mudo saacad ka badan khudbadna uu jeedinayo wasiirka ayaa waxaa shirkii soo galay nin ka mid ahaa maareeyeyaasha shirka loogu yeeray oo isagu soo daahay,dabeedna waxaa arkay wasiirkii oo si kibir ku jiro u canaantay maareeyahii hadalo aan munaasib ahayna ku yiri.

Ninkii maareeyaha ayaa ka cudur daartay soo daahitaankiisa isagoo sheegay sababta uu shirka uga soo daahay in ay tahay islaan eedadiis ah oo dhimatay oo uu aaskeeda ka qeyb galayey, hase yeeshee wasiirku kuma qancin arintaas waxuuna u sheegay in marnaba uu ka aqbaleyn cudurdaarkaas isagoo ku yiri ”waan ka xisaabtamaynaa arintaas ee naga fariiso!”

Wareegtaa waa sil silade oo waa aduun iyo waayahiisii waxaa dhacday isla maalintii ku xigtay aroortii saacadu marka ay aheyd 6:30 subaxnimo Idaacada Raadiyo Muqdisho warkii aroornimo soo geli jirey laga sheegay in is bedel lagu sameeyey golahii wasiirada iyadoo ninkii maareeyaha ahaa loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaarada warshadaha xilkana uu ka tirsado ninkii shalay sida xun u canaanayey.

Xaaskiisa oo quraac diyaaris ku jirtey ayaa warkii idaacada ka dhagaysatay ka dibna isagoo hurdo ka toosisay una sheegtay in xil wasiir loo magacaabay iyadoo inyar ka dibna gaari nuuca 88 oo boliiska lahaa gurigiisa uu yimid loona sheegay in madaxtooyada looga yeeray.

Ninka odeyga ah ee wasiirka hore ahaa ee dhacdadan iiga sheekeeyey waxuu intaa ii raaciyey in arintan uusan cadeyn karin in madaxweyne Siyaad Barre ku tala gal u sameeyey iyo in wax isku soo aadey ama isku soo beegmay ay aheyd.

Dhacdadaa waxaan usoo qaatay dhaqanka ceynkan ah aad ayuu soomaalida ugu badan yahay waxaana jira dad marka ay xil hayaan si aad u xun oo laga yaq yaqsoodo ula dhaqma shaqaalaha ay madaxda u yahiin iyo qaar marka xil loo magacaabo is kibriya oo sanka taaga dadkii ay axsaabta ahaayeen ka carara ama ka fogaada marka ay xilka waayaane is miskiinaya.

WAR HOOY KIBIRKU WAA LAGU KUFAA KAA HALA OGAADO.

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Nuur M Colombo

Hadalsame Media