”Wuxuu ahaa indhoole, wuxuuna subax walba fariisan jirey bartamaha magaalada”

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2019 – Nin indhoole ah ayaa subax walba fariisan jiray magaalada bartamaheeda, isagoo ay hortiisa taalo waraaq ay ku qorantahay ”WALAAL WAXAAN AHAY NIN INDHOOLE AH EE II KAALMEEYA.”

Wuxuu heli jiray inta badan xoogaa yar oo lacag ah oo uu ku aruurin jiray koofiyad uu hortiisa dhigan jiray.

Maalin isagoo meeshiisii fadhiya ayaa waxaa soo agmaray nin aqoon-yahan ah lacag yar oo uu haayey ayuu ku riday koofiyadii hortaalay ninka indhoolaha ah.dabeedna wuxuu soo qaaday waraaqdii isagoo qoraalkii ku qornaa badalay wuuna iska tagay, inyar kadib dadkii wadada maraayey ayaa bilaabay in wixii ay lacag hayeen ku ridaan koofiyadda.

Ninkii indhoolaha ahaa ayaa layaabay lacagtan faraha badan ee uu maanta helay wuxuuna dareemay in ay wax is badaleen, qof ka mid ah dadkii meesha marayey ayuu ka dalbaday inuu u akhriyo waxa ku qoran waraaqda hortaalla.

Waraaqda waxaa ku qornayd ”WAXAAN KU JIRNAA XILLIGII GU’GA DHULKUNA WUXUU NOQDAY MID QURXOON OO UBAXYADU MEEL WALBA QARIYEEN LAAKIIN ANIGU MA ARKI KARO QURUXDAAS!”

Dulucda waxa weeyaan haddii arrin aad ku guul darreysato dhinac kale uga wareeg hana niyad jebin waxaana jira qaabab kale oo aad ku guuleysan karto Marka aad dhaqankaaga wax ka badasho.

Xigasho: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media