Xafiiska Raysal Wasaare caan ah oo loogu hanjabey in korontada laga jarayo (Sababta ayaa ka sii daran!)

0

(Hadalsame) 29 Agoosto 2019 – Jeer ay Pakistan ku dhaqaaqday tijaabada gantaal baalistik ah oo dhul ka dhul ah, Raysal Wasaaraha dalkaasi ayaa helaya farriimo ku saabsan in korontada laga goosan doono haddii aanu bixinin lacagta lagu leeyahay.

Hay’adda Islamabad Electric Supply Company (IESCO) ayaa digniin u dirtay xoghaynta Imran Khan, shalay oo Arboco ahayd, iyagoo ku hanjabey inay korontada u goosan doonaan biilal aan la bixin dartood, sida ku qoran Indo-Asian News Service oo arrintan ka hadlay.

Xarunta ay fariisato xukuumadda Pakistan ee The Secretariat oo ah halka ay ku shiraan Wasiirrada dalkaasi, ayaa sida la sheegayo waxaa lagu leeyahay lacag dhan $25,677 (41 lakh rupee) oo ay ka qabaan sharikadda tamarta Pakistan.

Sharikadda ayaa sheegtay inay dhowr mar dirtay farriin xusuusin ah, iyadoo uu dhaqaalaha Pakistan liiqliiqanayo, iyadoo uu dhaqaaluhu hoos u dhacsan yahay ku dhowaad sanadkii 30-aad, taasoo ah sababta uu kursiga uso fuulay xidiggii hore ee xulka Cricketka Pakistan oo ballan ku qaaday inuu hagaajinayo dhaqaalaha buka ee Pakistan.

Hadalsame Media