”Dadkaygu waa sida dad hurda guri shub ah oo dusha ka xiran DABNA ku shidan yahay”

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2019 – Lu Xun (Luu Shun) wuxuu ahaa aqoonyahan shiinays ah oo noolaa 1881-1936. Wuxuu ka dhashay reer danyar ah oo shaqaale dowladeed ah. Aabbihi xanuun ayaa ku dhacay Lu oo wiil yar ah. Wixii ciddu xoolo lahayd daawaynta odayga ayay ku baxday waxaana kordhay saboolnimadi reerka.

Lu Xun oo arkay dhibka dawo iyo daryeel la’aan, ee ay keentay dhaqaatiir la’aantu, ee haysto aabbihii wuxuu go’aan ku gaaray inuu barto caafimaadka si uu u badbaadiyo bukaannada aabbihii oo kale ah. Wuxuu waxbarsho caafimaad oo dibadda ah ka helay dalka Jabbaan. Markuu meel dhexe marinayo waxbarshadi ayaa waxaa usoo baxay in xirfadda caafimaad ee uu baranayo aysan waxbo ka baddali karin laandheeraha Shiine ee ka habsaamay horumarka dunida.

Wuxuu yiri aqoon walba oo ay leedahay, ummad hurudo waxay addoon u ahaan mid soo jeeddo marka dadkaygu waxay rabaan in hurdada laga kiciyo. Sidaas ayuu uga tagay waxbarashadi caafimaadka una qaatay qalin. Wuxuu u jeestay qoridda sheekooyin gaagaaban oo mala-awaal ah kuwaas oo uu sawirro kala duwan kaga bixin jiray nolosha Shiinaha iyo hurdada ay ku jiraan.

Lu Xun wuxuu ka mid noqday dadki ugu saamaynta badnaa guud ahaan dalka Shiinaha ee abid soo maray. Dood la’aanna wuxuu ku jiraa tobanki qof ee ugu saamaynta badnaa isbaddalladi ku yimid horumarka Shiinaha qarnigi labaatanaad.

Aabbihi Shiinaha casriga ah Madaxweyne Mao Zendong wuxuu ku tilmaamay Lu Xun wali loo soo diray Shiine.

Waxaa saamaynta yeeshay waa qormooyinkiisa ee maahayn isaga. Waxaa hubaal ah haddii uu ku ekaan lahaa dhaqtarnimadi uu billaabay inuusan waxbo baddaleen warkiisuna uu ku koobnaan lahaa tuulada uu ku nool yahay iyo inta taqaan oo kaliya. Buugtiisi uu sida xirfadaysan u qoray iyo farriimihi kicinta cilmiyaysan watay ayaa saameeyay dad weynaha Shiinaha una jiheeyay wax iska caabbin iyo kor isu qaadid.

Inta aaminsan in Soomaalidu dhago waxmaqlo iyo qalbi wax fahmo midna aysan lahayn oo qoraal iyo farriin kale toona aysan anfacayn, waxaan leeyahay Lu Xun iyo kuwa kale ee qalinka u qaatay ummadoodu waxay aaminsanaayeen in dadkoodu dhintay oo dhaga beelay haddana ma aysan joojin qoraalkii ee rajo unbay qabeen waana guulaysteen ugu dambayn.

Lu Xu ayaa yiri ”dadkaygu waxay la mid yihiin dad dhex hurdo guri shub ah oo albaabbadu u xiran yihiin dushana dab ooga shidan yahay oo hal qof kaliya bannaanka ka joogo oo ku qaylinayo ka baxa guriga waa uu gubanayaaye.”

Maadaama ay hurdaan warkama hayaan dabka ku shidan oo mar dhow gubi doono iyaga iyo guriga oo dhan, mana maqlahayaan qaylada qofka dibadda joogo. Waxaa lagu yiri tusaalahaan iyo wacyi galintaadu iskuma toosna, waayo dad xaaladdaas ku jiro maxay u taraysaa qaylo bannaanka lala taagan yahay. Wuxuu ku jawaabay, waxaa laga yaabaa inuu qof ama labo ay ku toosaan qaylada oo ay inta kale kiciyaan dhammaanna sidaas ku badbaadaan.

Qalinkii: Ibraahim Aadan Shire

Hadalsame Media