”Waa ku dilaynaa, weliba kaligaa dhiman maysid!” – Ilhaan Cumar oo soo bandhigtay hanjibaad halis ah (Tillaabo ay qaadday)

0

(Washington, DC) 30 Agoosto 2019 – Xildhibaannadda Dimoqraadiga ah ee Ilhaan Cumar ayaa dadwaynaha la wadaagtey farriin hanjabaad ah oo cunsuriyadaysan oo loogu hanjabayo in uu carwada gobolka “ku toogan doono nin karti badan oo ‘qori wayn’ haysta”.

Ilhaan Cmar, oo ah gabar Soomaaliyeed oo Aqalka Wakiillada Maraykanka ku metesha gobolka woqooyiga ku yaalla ee Minnesota, ayaa sheegtay in farriimaha noocan ah oo aan ahayn kuwo ku cusub ay yihiin sababta ku riixday inay ilaalo gaar ah samaysato.

Waxay hadlaysay xilli uu ninka Aqalka Sare ee Senate-ka Alabama u sharraxan ee Roy Moore uu soo tweet gareeyay: “Madaxwayne Trump wuu ku saxnaa, waa inay dib ugu laabataa Somalia”. Xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Alabama ayaa sidoo kale ku baaqay in Ilhaan laga eryo Aqalka Koongarayska.

“Waa nebcahay inaan ku nool nahay duni ay tahay in lagaa ilaaliyo dadka kale,” ayay soo qortay Ilhaan Cumar, oo Maraykanka soo gashay iyadoo 12-jir ah.

“Balse inta dad madaxa looga jiro sida kan ay ka joojinayaan inay noloshayda iyo tan dadka kale u hanjabaan, waa inaan aqbalaa xaqiiqada oo aan ilaalo yeeshaa.” ayay tiri iyadoo soo bandhigtay qoraal si faahfaahsan loogu hanjabayo in la dilayo oo aanay weliba kaligeed dhiman doonin, xitaa goobta lagu toogan doono iyo sifaadka khamarjiga.


Hadalsame Media