DHEGEYSO: Sweden oo Sucuudiga & Imaaraadka kala hadlaysa arrin Somalia saamayn ku yeelatay

0

(Stockholm) 30 Agoosto 2019 – Sweden ayaa doonaysa inay u kala dab qaado kooxaha isku haya dalka Yaman si heshiiis nabadeed loo gaaro, waxaana todobaad-dhamaadka (helg) soo aaddan gobolka Bariga Dhexe u duulaysa Wasiir Dibadeedka Sweden Margot Wallström, si boorka looga jafo heshiiskii ay kooxaha Yaman ku gaareen dalkan Sweden dabayaaqadii sanadkii tegey ee loo yaqaanno Heshiiskii Stockholm, sida ay sheegtay wasiiraddu.

”Had iyo jeeraale waxay ku bilaabataa rabitaan siyaasadeed in si dhab ah looga wada hadlo sidii horay loogu socon lahaa. Sidaa darteed, waxaan u safrayaa Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Cumaan iyo Urdun, waxaana la kulmayaa QM, waxaan sidoo kale la kulmi doonaa intii aan la kulmi karo ee arrintan saamayn ku leh,” ayay tiri Margot Wallström.

Sweden ayaa bishii Diseembar ee kal hore agaasintey shir deeq ururin ah oo Yaman loo qabtay, iyadoo sidoo kale marti gelisey dhinacyada dagaallamaya oo ay markii 1-aad Stockholm ku kulansiisay tan iyo bilowgii dagaallada lagu hoobtay ee dalka Yaman, iyadoo shirkaa laga sameeyay woxoogaa horumar aan sidaa u buurnayn oo heshiis lagu kala saxiixday.

Waxaa se ilaa iminka adkaatay in heshiiskaa la fuliyo, yeelkeede, Wasiradda Margot Wallström ayaa rumaysan in Sweden oo ka faa’iidaysanaysa mudnaanta ah inay ku kalsoon yihiin kooxaha is haya ay isku dayi karto inay heshiiska sii riixdo ilaa uu ka mira dhalayo.

”Waxaa ilaa xilligan aannu ugu dhegan nahay heshiiskan liiqliiqanaya ee Stockholm waa in aannu mas’uuliyad dareemayno, waayo shirka annaga ayaa marti geliney, waxaana kalsooni wayn nagu qaba dhinacyada is khilaafsan, marka waxaan dareensan nahay inay mas’uuliyadi naga saaran tahay inaannu hubinno in heshiiska la hirgeliyo,” ayay daba dhigtay Margot Wallström.

Marka tillaabadan ay Sweden iskugu jiid-jiidayso dhinacyada ku lugta leh khilaafka Yaman lagasoo tago, Sweden waxay dayrta soo socota qaban doontaa shir kale oo Yaman looga hadlayo, inta lagu jiro todobaadka Golaha Guud ee QM.

Dagaalka Yaman oo salka ku haya hardanka saamayneed ee Sucuudiga & Iiraan ayaa saamayn xun ku yeeshay dalka Somalia oo aan sidaa uga fogayn dalka Yaman, iyadoo uu Imaaraadku doonayo inuu gobolka dib ugu qaabeeyo si waafaqsan danihiisa qaran ee khaaska ah.

Sucuudiga ayaa Somalia ku cadaadiyay inay xiriirka u jarto, balse Somalia oo dalabkaa hore aqbashay ayaa Imaaraadka iyo Sucuudiga uga dhaaratay inay sidii oo kale yeesho dalka yar ee Qadar, taasoo keentay inuu Imaaraadku siyaasad dhabqin ah kula dhaqmo Somalia. Waxaa sidoo kale Somalia oo teeda u yaabban kusoo jabay qaxooti badan oo Yamaniyiin ah.

 

Hadalsame Media