Dal aad ugu ololeeyay inay Somalia fashilisho hindisihii Kenya & dal kale oo isla qaraarkan VETO saaray 2014?

0

(Nairobi) 30 Agoosto 2019 – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka uu Golaha Amaanku ku diidey codsi ay riixaysay oo ku saabsan sidii kooxda xag-jirka ah ee Al Shabaab loogu soo rogi lahaa cunaqabatayn.

Macharia Kamau oo ka tirsan Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa The EastAfrican u sheegay inuu aad uga niyad jabsan yahay in dalal ay badanaa ku dhacdo jugta Al Shabaab iyo kooxaha kale ee xag-jirka ah aysan taageeraynin hindisaha Kenya.

“Waannu ka niyad jabnay waayo waxaan Golaha Amaanka ka filaynay inay taageerayaan sidii loo cadaadin lahaa kooxdan halista ah ee dadka aan waxba galabsan ku laysay Somalia iyo Kenya labadaba,” ayuu yiri Mr Kamau.

Golaha Amaanka ayaa Arbacadii ganafka ku dhuftay qorshe ay riixaysay Kenya oo ahaa in qaraarka 1267 lagu daro kooxda Al Shabaab kaasoo kooxo kale sida Al Qaeda, Taliban iyo ISIL horay ugu daray liiska madoow.

Yeelkeede, waxaa qorshahan aad uga ololeeyay Maraykanka iyo diblomaasiyiin hore oo daliishadey in tillaabadani ay “dembi ka dhigayso in loo gargaaro dadka ku nool goobaha ay kooxdani maamusho”, kaasoo ahaa moowqifka ay sidoo kale qabtey Muqdisho.

Abukar Dahir Osman, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Somalia u fadhiya xarunta QM ee New York ayaa Dowladda Kenya usoo jeediyay in haddii ay dhab ka tahay cadaadinta iyo cunaqabataynta Shabaab ay hirgeliyaan qaraarka Golaha Amaanka ee 751 kaasoo mamnuucaya in la dhoofiyo dhuxusha oo ay kooxdani dhakhli badan ka hesho, isla markaana KDF lagu eedeeyo inay la qaybsadaan.

WAA ISKU DAYGII 2-AAD EE FASHILMA

Nairobi ayaa hindisahan horay u keentay 2014, waxaa se xilligaa diidmada qayaxan ee VETO u adeegsadey dalka Britain, iyadoo xilligaas ay Somalia iyo Djibouti la safnaayeen Kenya, iyagoo hiillo u muujinayay Kenya oo sanad kahor uu ka dhacay weerarkii lagu hoobtay ee suuqa Westgate Mall ee Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen 67 qofood oo aan waxba galabsan.

Yeelkeede, markan Muqdisho waa kasoo horjeesatey hindisaha Kenya oo ay ka dhadhamisay in loo adeegsan karo xalaalaysiga “hanti fara badan oo Soomaalida ka taalla Kenya.”

Hadalsame Media