”Kenya waxay anshax xumadeedii u DHOOFISEY Somalia” – Faarax Macallin

0

(Nairobi) 30 Agoosto 2019 – Siyaasiga mufakarka ah ee Soomaaliyeed Faarax Macallin Dawaara ayaa furka ku xooray dowladda Kenya oo uu ku dhaliilay doorka sirgaxan ee ay ka qaadatay Doorashadii Jubbaland ee muranka ku dhamaatay, taasoo dhashay dhowr madaxwayne oo is diiddan.

Wuxuu Twitter-ka kusoo qoray: ”Kenya waxaa ka dhacaysay Doorasho Guud 5 sano oo kasta tan iyo Xornimadii. Kaliya tii ugu horreeysey ee uu Ingiriisku ”barakeeyay” iyo middii dhacday 2002-dii unbaa lagu tilmaami karaa doorasho xor iyo xalaal ah.” ayuu yiri.

”Inta kale waa ka fogaayeen xor iyo xalaal. Waxaan haatan dhaqan xumadaa u safrinay Somalia (Jubaland).” ayuu daba dhigay.

Faarax Macallin ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah oo sida wayn uga soo hor jeedey inuu kursiga kusoo laabto Axmed Madoobe oo dib iskugu doortay doorasho ay DF Somalia ku tilmaantay mid ka ”arradan astaamihii doorasho xor ah.”

Hadalsame Media