Taliyaha Guud ee AMISOM oo gaarey magaalada Dhuusamareeb

0

(Dhuusamareeb) 30 Agoosto 2019 – Taliyaha Ciidammada AMISOM, General Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Ethiopia ayaa saakay ka degay magaallada Dhuusamareeb, si uu kulammo ula yeesho Wasiirrada dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Galmudug.

Tigabu Yilma oo ka degey Garoonka Dayuuradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa magaalada kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Somalia, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu kulan gaar ah la yeeshay taliyaha AMISOM.

Ujeedka safarka taliyaha AMISOM ayaa la xariira xoojinta amaanka magaalada, jeer lagu wado inuu dhowaan magaalada Dhuusamareeb ku qasboomo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug, kadibna lagu qaban doono doorashada guud ee lagu dhisayo maamulkaasi.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan jawigeedu deggan yahay kaddib markii la xalliyey shuush yar oo ka dhashay eedo ay tirsanaysay kooxda Ahlu Sunna oo markii dambe la qanciyay kaddib kulamo ay iyagu yeesheen iyo kuwa ay la yeelatay DF Somalia.

Hadalsame Media