Wax kasta oo aad uga baahan tahay hab-raaca dacwadda Somalia-Kenya (Xog buuxda)

0

(Hague) 29 Agoosto 2019 – HAB RAACA SIDA AY U DHICI DOONTO DACWADDA U DHAXAYSA SOOMAALIYA IYO KENYA

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Nederleand ayaa qaban doonta dhageysiga dacwadda xadeynta xuduud badeedka labada waddan ee kala ah Soomaaliya iyo Kenya. Dhageysiga dacwadda ayaa bilaabanayasa 9 September 2019, waxana ay dhammaanaysaa 13 September 2019.

WAREEGGA KOOWAAD EE DOOD AFEEDKA (ORAL)

Wareegga koowaad ee doodda garyaqaanada Soomaaliya ayaa bilaabaneysa maalinta isniinta 9ka September marka ay saacaddu tahay 10 AM ilaa iyo 1PM. Haddana waxaa la isku soo laabanayaa saacaddu marka ay tahay 3PM ilaa 4:30 galabnimo markaas oo Soomaaliya ay soo gabagabeyneyso dooddeeda koowaad.

Kenya ayaa maalinta arbacadda oo taariikhdu tahay 11-ka bisha September garnaqsaneysa. Doodda Kenya ayaa bilaabaneysa 10AM subaxdii ilaa iyo 1PM. Mar labaad ayaa la isku soo noqonayaa. Kenya ayaa qaadaneysa dooda laga bilaabo 3am ilaa iyo 4:30 galabnimo markaas oo la soo afjarayo wareegga koowaad.

Wareegga labaad ee doodda lagu gudbinayo qaab oraah ah
Maalinta khamiista oo bishu tahay 12 September, 2019 waxaa mar labaad doodda qaadanaya Soomaaliya. Doodda Soomaaliya ayaa waxay bilaabaneysaa 3Pm ilaa 6pm. Kenya ayaa iyaduna maalinta xigta ee 13 September qaadan doonta doodda laga bilaabo 3Pm ilaa 6Pm.

SIDEE LOO BAAHIN DOONAA DHAGEYSIGA DACWADDA

Dhageysiga dacwadda ayaa si toos ah loogu baahin doonaa Website-ka maxkamadda ee WWW.ICJ-Cij.Org?en/Multimedia endxe. Sidoo kale waxaa si toos ah loogu baahin doonaa Tvga barta internetka ee Qaramada Midoobay. Sawirada dhageysiga dacwadda ayaa la soo dhigi doonaa Website-ka ICJ iyo sidoo kale barta Twitterka @ ICJ_ICJ.

SIDA LOO SOO GALI KARO HOOLKA MAXKAMADDA

Tirada kuraasta oo yar darteed waxay maxkamaddu mudnaanta siin doontaa xubnaha kala metalaya dalalka ay dooddu u dhaxeyso iyo dibloomaasiyiinta caalamiga ah ee doonaya in ay qayb ka noqdaan dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.
Dibloomaasiyiinta daneynaya in ay ka qayb galaan dhageysiga dacwadda labada dal waxaa lagu wargalinayaa in ay ogeysiiyaan maxkamadda ka hor 2da bisha September, 2019, Confirmation@ICJ-CIJ.ORG.
Dadweynaha sidey ku soo gali karaan
Dadweynuhu waxay kuraasta ku heli doonaan sida ay usoo kala hormaraan, ma jiri doonto isdiiwaangalin hore loo sameeyey.

BAHDA SAXAAFADDA

Wakiillada ka socda warbaahinta waxa ay mari doonaan hab isdiiwaan galin ah oo xirmeysa ka hor saqda dhexe ee 2-da September, 2019-ka xilliga magaalada Hague.
Qolka wariyayaasha ayaa furmi doona hal saac iyo bar ka hor bilaabashada dacwadda waxaana la xiri doonaa hal saac kaddib dhammaadka dacwadda. Wariyayaasha la soo hubiyay oo wata kaararka aqoonsiga kaliya ayaa loo ogolaan doonaa in ay galaan hoolka dacwadda.
Sawir iyo film qaadayaasha waxaa loo oggolaan doonaa ka hor wax yar bilaabashada doodda iyada oo ay weheliyaan xubin ka tirsan qaybta warbaahinta ee maxkamadda. Dacwdadda oo luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska ah ayaa lagu baahin doonaa shaashad weyn oo ku taalla qolka warbaahinta.

FG: Xogtan waxaa lagu faafiyey webka ICJ (INTERNATIONAL COURT OF JUSTICE)

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid M Xaashi

Hadalsame Media