Xarunta dhaqanka Hargaysa oo lagu casuumey nin dhaqan-xumada u ololeeya!!

0

(Hargaysa) 29 Agoosto 2019 – Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa casuuntay nin u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah ama isku nooca ah, sida labka iyo dhedigga.

Xarunta ayaa sannadkan ku casuuntay magaalada Hargeysa Donald Molosi oo ah qoraa reer Botswana ah u na ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah.

Donal Molosi ayaa xarunta dhaqanka ee Hargeysa xalay ku soo bandhigay film uu sameeyay oo la yidhaahdo Waxaan nahay Buluug ama “We are all blue”.

Xarunta ayaa horey u casuuntay gabadh iyaduna u dhalatay dalka Ingiriiska oo sidan oo kale u ololeysa guurka dadka isku jinsiga ah.

Halkan hoose ka eeg qoraallo uu soo dhigay bartiisa Twitterka Donald Molosi.

XIGASHO: Khaalid Foodhaadhi.

Hadalsame Media