”Qoftaan hallugu celiyo Somalia-dii ay ka timid!” – Siyaasi caan ah oo weerar rogaal celis ah ku qaaday Ilhaan Cumar

0

(Washington, DC) 29 Agoosto 2019 – Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ugu sharraxan gobolka Alabama ee Roy Moore ayaa weerar ku qaaday xildhibaanadda Ilhaan Cumar, isagoo Twitter kusoo qoray war — uu ugu sheegayo inay dib ugu laabato halkii ay ka timid isagoo leh “dib ugu laabo Somalia-dii aad ka timid” — kaddib markii ay isaga ku tilmaantay “nin carruurta fara xumeeya.”

“Madaxwayne Trump wuu saxnaa,” ayuu yiri ninkan muran dhaliska ah oo horay garsoore maxkamadeed u ahaan jirey. “Waa inay dib u noqotaa.” ayuu raaciyay.

Moore, 72-jir, ayaa u muuqdey nin ka jawaabayay tweet ay Ilhaan Cumar Talaadadii soo qortay kaasoo ay kaga hadashay qorshe ay Jamhuuriyiinta Alabama ku doonayaan in Ilhaan Cumar laga eryo Aqalka Wakiillada Koongarayska Maraykanka.

“Waa ka xumahay [Alabama GOP], balse waxaan ahay wakiil dimoqraadiyadeed,” ayay soo tweet garaysay. “Waxaa isoo doortay 78% ka mid ah dadka deggan Degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, balse ima soo dooran Xisbiga Jamhuuriga ee Alabama. Haddii aad siyaasad nadiifinaysaa nin ilmaha fara xumeeya uma sharraxateen Aqalka Senate-ka?” ayay tiri Ilhaan.

Hadalsame Media