Uganda Airlines oo rakaabka Muqdisho kula kacday arrin CADAALAD darro ah!! (Arrin xal u baahan)

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2019 – Waxaa maanta markale duullimaadyadii ay Muqdisho, Somalia ku tegi jirtey dib u bilowday shirkadda dayuuradaha Uganda Airlines.

Dayuuraddan UA oo dib loosoo celiyay kaddib 18 sano ayay Muqdisho noqotay meesha ugu tikit jarashada badan marka guud ahaan la eego afarta magaalo ee lagu bilaabay duullimaadyada shirkaddan, sida ay Jenifer Bamuturaki oo ah Agaasimaha Ganacsigu u sheegtay The EastAfrican.

Yeelkeede, sharikadda Uganda Airlines ayaa sicir cadaalad darro ah ka qaadaysa dadka u duulaya magaalada Muqdisho taasoo aan qabanin dadka Soomaaliyeed ee ku safraya.

Tusaale ahaan qorshe iidheh oo ay sharikaddani soo saartay oo soconaya 2 bilood ayaa waxaa ku xusan qiimaha tigidhada magaalooyinka ay ilaa iminka u duusho dayuuraddani, kuwaasoo kala ah sidatan:

Nairobi waa $278, Jubba waa $225, Muqdisho waa $590, Daaru Salaam waa $286, Bujumbura waa $292, Mombasa waa $325,  halka ay $311 tahay Kilimanjaro.

Dowladda Uganda ayaa sidoo kale dalbatay labada dayuuradood oo Airbus A330-800 Neos ah oo ay ka bixisay qiime hordhac ah oo gaaraya Ush74 bilyan ($20 milyan), kuwaasoo marka ay yimaadaan 2020-21 loo adeegsan doono duullimaadyada fog ee Yurub, Shiinaha iyo Hindiya.

DF Somalia ayaa loo baahan yahay inay u hadasho umadda ay wakiilka ka tahay si looga qaado sicir la mid ah ama ka rakhiisan kan dadka kale laga qaado, iyadoo ay sidoo kale muhim tahay in la soo celiyo adeegyadii Somali Airlines oo suuq fiican heli karta haddii si xirfadi ku jirto loo maareeyo.

Hadalsame Media