WARBIXIN: ”Dhagaxii aad faydaba waa ku jiraan!” – Maraykanka & Imaaraadka oo isku haya arrimo ay Somalia ku jirto (CIA oo aan Imaaraadka basaasin!)

0

(Washington, DC) 29 Agoosto 2019 – Imaaraadka Carabta ayaa maalgeliya howlo badan oo ay ka mid yihiin ridista dowladda ay QM aqoonsan tahay ee Liibiya, waxaa dheer dagaalka lagu qaaday Yaman, iyo faragelinta Geeska Afrika iyo meelo kale oo Afrika ah, balse wakaaladda Wararka Reuters ayaa baaritaan ay samaysay ku ogaatey in hay’adda Sirdoonka dibadda ugu qaybsan Maraykanka ee CIA aysan daba-gal ama basaasid ku samaynin dalkaasi.

Seddax sarkaal oo horay uga howlgabay CIA ayaa Reuters u sheegay in ay arrintani halis ku tahay amaanka Maraykanka, maadaama Imaaraadku uu wado howlo ay qaarkood ka hor jeedaan xitaa danaha Maraykanka iyo deganaanshiyaha gobolka iyo dhulal kaba fog.

Waloow aanay CIA Imaaraadka basaasin misna Beesha Sirdoonka Maraykanka oo ay dhowr hay’adood ku midaysan yihiin ayaan meesha ka wada maqnayn, tusaale NSA ayaa basaas kooban oo elektaroonig ah ku samaysa Imaaraadka, halka CIA-du isku koobto qorshe xog-wadaag ah iyadoo isha lagu hayo wax lagu tilmaamo ”cadow wadareed” oo ah Al Qaacida iyo Iiraan.

Balse CIA Imaaraadka kama ururiso waxa loo yaqaanno sir dadwayne “human intelligence” oo ay CIA ka ururiso ku dhowaad dal kasta oo dunida saaran oo ay ku jiraan kuwo ay aad iskugu dhow yihiin – waana arrin ay ka gaabsadeen CIA, NSA iyo Aqalka Cad.

Imaaraadka ayaa sidaa ku ah mid la mid ah dalalka la isku yiraahdo ”Shanta Indhood” ee Australia, New Zealand, UK iyo Canada oo aanu Maraykanka ayaa sidaa u daba-gelin.

Waxaa middaa lid ku ah Sucuudiga oo ah dal kale oo Maraykanka la olog ah, saliidna soo saara balse ay aad u bartilmaameedsato dowladda Maraykanka iyo CIA-du, si ka duwan Imaaraadka, iyadoo ay Sucuudigu dhowr mar qabteen basaasiin CIA ah oo gudaha dalkaas ka qoranaya dad iyaga u shaqeeya oo maxalliyiin ah.

Sucuudigu arrintaa lama qaylinin balse waxay madaxa CIA oo ay kula kulmeen Riyaad ku wargeliyeen arrinta iyagoo u sheegay inuu si deggan ugala boxo dalka basaasiinta uu usoo diray, sida uu Reuters u sheegay sarkaal sare oo horay uga tirsanaa CIA.

Robert Baer, oo ah wakiil hore oo ka tirsanaa CIA sidoo kalena qoraa ah ayaa in aanu Maraykanku Imaaraadka basaasin ku tilmaamay “fashil wayn” isagoo sheegay in aad loogu baahan yahay in la derso sida ay u shaqayso siyaasadda qoys qoyska ku dhisan, eedaha dhex yaalla iyo diinaamikiyadooda. “Arimaha qoysaskani waa muhim” ayuu yiri.

‘DOWLAD FOOWDAAWI AH’

Sarkaal kale oo horay uga tirsanaa Maamulka Donald Trump ayaa isna sheegay in xuuraansi la’aanta Maraykanka ee Imaaraadku ay tahay arrin laga noxo, maxaa yeelay Boqortooyadan lama degaanku iminka waxay u dhaqantaa sidii ”dowlad foowdo ah”, iyadoo isku fidinaysa dalalka istaraajiga ah sida Liibiya iyo Afrika.

Suudaan waxay sanado badan balaayiin ku bixinayeen taageerada MW la tuuray ee Omar Hassan al-Bashir, kaddibna mar qura ayay dhanka kale u wareegeen iyagoo la xirtey millaterigii isaga ridey bishii Abriil.

Waxay sidoo kale saldhig ciidan ka dhisanayaan Jamhuuriyadda is magacoowday ee Somaliland.

“Haddaad dhagax Afrika ku yaalla geddiso waxaad ku arkaysaa Imaaraad ku jira halkaas,” ayuu yiri sarkaalsan oo aan is magacaabin.

Imaaraadku waxay haatan ku dhiirranayaan inay saamayn dhaqaale iyo mid ciidan ku yeeshaan meelo “aad uga fog dersaantooda,” ayay tiri Sarah Leah Whitson, oo agaasime ka ah Middle East and North Africa Division of Human Rights Watch.

“Haddii ay tahay Somalia, Eritrea, Djibouti, ama Yemen, Imaaraadku iminka cidna fasax ma waydiistaan,” ayay tiri Sarah.

Imaaraadka ayaa arrintaas oo idil u sameeynaya marka arrimo kale laga soo tago hal arrin oo ugu wayn oo ah in ay la dagaallamaan dimoqraadiyad ka hana qaadda dunida Islaamka, iyagoo ka cabsanaya gaar ahaan Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, oo ay u arkaan kuwo keeni kara in xilka laga tuuro qoysaska ku dangiiga kuraasida boqortooyo ee Khaliijka.

“Marka uu hadafka dhami yahay sidee xukunkayga u badbaadsadaa wax kasta oo ay iigu kacdo, taasi ma noqonayso mid la jaan qaadi karta danaha Maraykanka.” ayuu yiri Jodi Vittori, oo horay uga tirsanaa Sirdoonka Ciidamada Cirka Maraykanka, haatanna ka howlgala Carnegie Foundation for International Peace.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media